Warbaahinta Guinea: Somaliland Waxay Muunaysay Madaxweyne Alpha Conde iyo Calanka Guinea
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qoray Warsidaha Mediaguinee.org, oo faahfaahiyey sida shaaricyada Hargeysa loogu sharraxay sawirrada Madaxweynaha Guinea iyo calanka dalkaasi.
Shabakadda Mediaguinee.org waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Alpha Conde oo kaliya aanay muwaadiniinta reer Somaliland u mahadcelin, hase ahaatee ay bogaadiyeen shacbiga reer Guinea oo dhan.
Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisii ayaa habmaamuuskii ugu sareeyey loogu qaabilay dalka Guinea, Waxaana weftiga Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Guinea isku raaceen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo mid Dhaqaale, taasi oo sas iyo walaac ku abuurtay Xukuumadda maqaar-saarka ah ee Soomaaliya.