Sababta Ganacsigan Muqmadda Ee Lagu Suxuurto U Noqday Mid Saamayn Leh Muddo Kooban

0
Thursday April 04, 2024 - 10:23:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta Ganacsigan Muqmadda Ee Lagu Suxuurto U Noqday Mid Saamayn Leh Muddo Kooban

    Talo muhiim u ah mulkiilaha ganacsiga:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talo muhiim u ah mulkiilaha ganacsiga:


1: Waxa uu ka jawaabayaa baahida dhabta ah (Pain Point) ee dhallinyaradu u qabtay in ay hesho cunto beddesha sarreenka oo ah ta xaafad walba lagu sameeyo waqtiga Ramadaanta, waxa uu si dhab uga jawaabay baahidaas muddada badan soo jiitantay ee aanay cid kale ka faa’idaysan; isaga oo waliba la yimid wax uu kaga duwan yahay (Unique Value Preposition) ganacsiyada kale ee cuntada oo ah in uu si gaar ah uga jawaabay baahida ay qabeen dhallinyaro badani.



2: Waxa uu muqmadda ku ladhay loxoox/canjeero oo ah cunto guri walba lagu sameeyo oo waliba si gaar ah Ragga macno weyn ugu samaysa waqtiga Ramadaanta oo ay xiise u sii qaadaan.


3: Waxa uu abbaaray macaamiiil gaar ah iyo suuq gaar ah (Niche market) tan oo dhalisay in ay ku xidhmaan dhallinyarada ragga ah oo u badan doobabka/iskaabullada.


4: Maaddaama uu si wanaagsan uga jawaabay baahida macaamiishiisa, waxa ay u sameeyeen suuq-geyn afka ah oo ah ta ugu awoodda badan dhanka xayaysiisyada, tanna waxa laga helaa macmiilku marka uu si dhab ah u helo ganacsi ka jawaaba baahidiisa (Customer Satisfaction) si gaar ahna baraha bulshada waxa uga ololeeyey dhallinyarada doobabka ah oo kaga raystay sarreenkii muddada badan ay ka cabanayeen.


5: Waxa kale oo sii xoojiyay saxaafadda oo halkan ka aragtay fursad ay bulsho badan ku kasban karaan dareenkooda (attention) suuq-geytuna sideedaba waa helista dareenka bulshada (gaining the attention of the society)


Talo muhiim u ah mulkiilaha ganacsiga:


B: Maaddaama uu ganacsigani ka jawaabay baahi gaar ah oo muhiim u ahayd dhallinyarada doobab iyo xaaslayaalba, waxa dhacday in lagu soo xoomo oo meelo kala duwan looga yimaaddo, tan oo leh halisteeda kale ee aan wanaagsanayn oo noqonaysa, in durtaba macaamiil badani bilaabeen cabasho (Customer complaining) dhanka adeega ah oo ay ku sheegayaan in aan la diyaarin tayadii shaqo iyo shaqaale (Working Capacity) ee lagaga jawaabi lahaa dalabaadka macaamiishan ku soo jabay ganacsigan, cabashadaas oo ay marinayaan baraha bulshada oo dhaawac ku keeni karta noocan ganacsi ee suuqa ku cusub.


Waxa tan lagu xallin karaa in la kordhiyo shaqaalaha lana fududeeyo nidaamka loogu adeegayo macaamiisha; lagagana jawaabayo dalabaadkooda (Capacity to answer on the customer demand)haddii se ay isku dheellitirmi waayaan awoodda adeegga ganacsigu kaga jawaabayo dalabaadka macaamiisha iyo isla baahida adeeg ee ay qabaan macaamiishu, waxa ka dhasha in uu dad badan ku waayo oo cid kalena fursaddaas ka faa’idaysato.


T: In uu Ramadaan ka dib ka fikiro hannaan uu ku sii haysan karo macaamiishan oo la jaanqaadaysa isbedddelka iman doona Ramadaantu marka ay baxdo.


F.G: Ka ganacsiga muqmaddu maaha mid ku cusub Hargeysa, balse waxa uu kani kaga duwanaaday waqtiga lagu soo beegay iyo baahida gaarka ah ee uu ka jawaabay.


Xuquuqda sawirada kuma xusna cidda qaaday maaddama dad badani baahiyeen astaan gaar ahna (watermark)aan lagu samayn.


Waxa Qoray: Xamse Tudhaale oo ah lataliye ganacsi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...