Ciidanka Oo Badbaadiyay Gaadhi & Dadkii Saarnaa Oo Dooxa Hargaysi Qaaday.

0
Wednesday April 03, 2024 - 09:58:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Oo Badbaadiyay Gaadhi & Dadkii Saarnaa Oo Dooxa Hargaysi Qaaday.

    "Waxa aan sheegayaa in markii saddexdii nin laga reebay daadkii "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aan sheegayaa in markii saddexdii nin laga reebay daadkii "




Hargeysa (HWN)- Ciidanka Booliska qaybta galbeedka Hargeysa ayaa caawa soo badbaadiyay saddex qof iyo gaadhi VITZ oo dooxa Hargeysi uu qaaday.


Sarkaalka ciidanka Booliska qaybta galbeed heeganka ugu jiray, ayaa sheegay in baabuurkaasi oo ay saaraayeen saddex nin oo midi dirawalkii ahaa isla markii uu dooxa soo galay uu la kulmay mowjadii daadka taasi oo qaaday markiiba hase ahaatee ay ciidanka Boolisku markiiba ka soo badbaadiyeen saddexdii ruux oo bedqaba.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in waxyar kadibna gaadhi ay ka reebeen.

"Waxa aan sheegayaa in markii saddexdii nin laga reebay daadkii uu dirawalkii gaadhiga lexjeclo qabatay oo uu damcay inuu dib ugu noqdo daadka si uu gaadhiga ugala soo helo. Hase ahaatee ciidanka boolisku ay xoog ku hayeen ninkaas," ayuu yidhi sarkaalku.

Waxa kaloo uu dirawalada gaadiidka ku booriyay in aanay xiliga daadku socdo aanay isku biimeyn dooxa iyo laagaha magaalada.
Loading...
Loading...