Dhakhtarkii Baligubadle Tooshka Mobilka Qaliinka Ku Sameeyay Oo Hadlay.

0
Wednesday April 03, 2024 - 09:32:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtarkii Baligubadle Tooshka Mobilka Qaliinka Ku Sameeyay Oo Hadlay.

    "Muuqaalka tooshka Moobilka ayay bulshadu aad ugu falaqaysay baraha Bulshada "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuqaalka tooshka Moobilka ayay bulshadu aad ugu falaqaysay baraha Bulshada "


Hargaysa (HWN) Dr. Cabdicasiis Khadar oo ah Dhakhtarkii qaliinka ku sameeyey tooshka mobile ka kadib markii uu laydhku ka bakhtiyey cusbitaalka magaaladda Baligubale ayaa bulshadda raali galin ka siiyey muuqaal uu baahiyey.



"Caafimaadku siyaasad ma galo cusbitaalka baligubadle way jirtaa baahi baddan oo ka taagan ee hadana waxaan maamulka cusbitaalka iyo bulshaddii dhibsatayba ka raali galinayaa muuqaal si khaldan u baxay, Anagu ma nihin xisbi iyo urur gaar ah midnaā€¯ ayuu yidhi.


Muuqaalka tooshka Moobilka ayay bulshadu aad ugu falaqaysay baraha Bulshada iyagoo ku eedeeyay xukuumada Muuse Biixi inayna waxba ka qaban baahida laydh la'aanayd ee cisbitaalka Baligubadle.


Xisbiga Waddani ayaana maalmo kadib cisbitaalkaasi gaadhsiiyay mishiin, balse Xukuumada oo ka xanaaqday Mishiinka Waddani ayaa iyaduna mishiin ka wayn kiiwadani keenay gaysay cisbitaalka.
Loading...
Loading...