Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqasho Ku Tegay Sacuudiga

0
Wednesday April 03, 2024 - 08:57:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqasho Ku Tegay Sacuudiga

    "Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan ..."


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degay magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga kadib markii uu martiqaad ka helay boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.



Qaybta warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashadaas ay tahay mid shaqo, mana sheegin muddada uu dalkaasi joogayo.


Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga, istaraatijiyadeed iyo xiriirka labada waddan.


Booqashadan ayaa imanaysa saacado uun kadib markii madaxweynuhu uu kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Xarardeere iyo Ceeldheer oo uu kula kulmay ciidamada difaacaya labadaas magaalo.
Loading...
Loading...