Maxay Tahay Wargelinta Mihiimka Ah Ee Ciidanku Udireen Shacabka Somaliland?

0
Tuesday April 02, 2024 - 17:09:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Wargelinta Mihiimka Ah Ee Ciidanku Udireen Shacabka Somaliland?

    "Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ..."


Hargaysa (HWN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan xili roobaadka dooxyada iyo meelaha biyo mareenada ah.



War qaraal ah oo uu baahiyay ciidanku ayuu sidoo kale darawalada gaadiidka faray inay dhimaan xawaaraha gaadiidka ay ku wadaan:-


WARGELIN MUHIIMA : 

Sidaa la socotaan waxa la galay xilli roobaad , iyadoo la sadaalinaayo raxmad badan oo keeni kara waxyeellooyin laga taxadari karo ,  Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah. Sidoo kale waxaannu  faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhimaan iyagoo qadanaaya awaamiirta Ciidanka Nabadgalyadu Waddooyinka ( Traffic).


Ciidanka Boolisku waxa uu u taaganyahay ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL . 


Xafiiska Warbaahinta  Ciidanka Booliska JSL.

Call  Center  ka guud  999 /520175
Loading...
Loading...