"Hal Habeen Laguma Noqdo Hogaan Tilmaaman"

0
Thursday July 11, 2019 - 11:26:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hal Habeen Laguma Noqdo Hogaan Tilmaaman"

    Hogaamiye waa wax qof kasta u baahan yahay, Rasulku (scw)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiye waa wax qof kasta u baahan yahay, Rasulku (scw)
isagoo ina dareensiinaya muhimada hogaanka wuxu yiri "sadex qof hadad tihin midkiin u doorta hogaamiye ".


Hogaamintu waa masuuliyad umadu kugu amaanaysatay, inaad ku hagto , hore u socodsiiso, nabadayso, dhise noqoto, tilmaame lagu hirto , culays lagu saaray xoojinta xadhkaha horumarka bulshada ,oo lagala xisaabtami doono aduun iyo akhiraba.



Cadaadiska wayn ma jiro masuuliyad umadeed , oo kala dabeecad, dhaqan, diin iyo luuqad ahaan ba hogaamiso , dhibaatada aad kala kulan taana aanay xalkoodu isku mid noqonayn ,hadaanad dulqaad iyo karti la iman, Kuna suntanaataa qof ahaantaada mid talo iyo toosin ba lagu yaqaan.


Dagaal yahankii Zan-Tsu wuxu ku koobay hogaamiyaha sifihiisa 1000-1500 ka hor "inuu lahaado garaad, kalsooni, bini’aadanimo, geesinimo iyo hal adayg” sidoo kale waxa ku raacay qabiiradii hogaaminta caanka ku aha Du-Mu 803-852, Jia Lin 618 iwm.


General Edward C.Meyer (1979-1983) hogaanka wuxu ku Masalay "sid diamondtu carbon kaliya u abuuri karahayn, ayaa Astaan kaliyana hogamiye samayn Karin, Diamontwaxay rabtaa kulayl halka hogaamiyuhuna rabo cilmi uu wax ku darso oo diyaariyo qorshaha dheer, Diamantu lagu soo saara cadaadis badan sidoo kale hogaamiyuhu wuxu rabaa astantisa iyo cilmigiisa inuu isticmaalo qidad culayska fulineed si caqliyana u adeegsan karta inuu ahaada”.


Waxana lagu sifeeyaa hogaanka inuu leeyahay qiimayn ciidankiisa, diir nax naxariiseed, geesinimo akhlaaqeed, go’aan kalsooni leh, ikhtiraacid maskaxeed, xeeled shakhsiyadeed, khibrad ,waaya-aragnimo aqooneed iyo hadal saamayn badan.


Marxaladaha qeexinta culimadu soo marisay hadaan wax ka taabano hogaaminta (1920) " waa awooda hogaamiyuhu ku kasbado adeecida, xushmada iyo daacad u noqoshada dadkiisa” .(1930) ‘” hogaamintu waa hab, hawl dad badani qabanayaan loogu jiheeyo hal meel”. (1940)”hogaamintu waa awooda lagu jiheeyo dadka iyo dalkaba ".(1950)” hogaamintu waxay noqotay siduu ula fal-galo kooxaha bulshada ". (1960)” habka hogaamiyuhu u soo jiito dadka uu hogaaminayo si loo garto himilada la wada wagaagayo”.(1970)”hogaaminta lagu tilmaami jiray awood dadka lagu kicinayo ,iyadoo qof walba la siinayo texgalin gaara”. (1980)” waa awood dhiiri galin kicin ah si dadku u qabtan hawsha hogaamiyuhu u asteeyay oo iska wax u qabso ah”. (1990)” waxa hogaanka lagu fasiray xirir dhex mara hogaamiyaha & la hogaamiyaha”. Dhamaan xiliyada wuxu ka dambeyay waxa xoogaysatay inay hogaamiyashu u janjeedsanadan fikrada isku wadida dadka iyo dalka (Government Democrates).


Hogaamiyuhu waa qof la xiriira isbadalada joogtada ah eek a dhacaya aduunka sida abaaraha, colaada, dagaalda iyo masiibooyinka dabiiciga (dhul garirka, dabaylaha ,daadadka), oo maarayna kara naftiisa markay xaaladu ku adkaato, badbaadinta khliafadka dadkiisa iyo difaacida dalkiisaba.


Markaad daristoo waayihi tagay hogaamanada aduunka soo maray waxad dareemaysa inan dhayal lagu dhaxlin horumarka dheer, dhibaato badana loo soo maray koritaanka wadan, halgan adag u maro hogaamiyuhu siduu dad u jahayn lahaa oo uga dhaadhicin lahaa fikirkiisa fog, halkaas na Halkaasna hal habeen laguma hogaan tilmaaman.


Waxa uu maanta wadankeenu u baahan yahay hogaamiye hal adag, oo horumariya dulqaad ,daacadnimo iyo dareen naxariiseedba leh.

Tixraaca:-

1) strategic leadership.

2) The Art of War.

3) USA army leadership tactics, skills and techniques.

4) self leadership.

5) leadership without excuses.


Abdalla Gahnoug
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...