10 calaamadood oo ad ku garan karto qof ka introvert ka ah

0
Tuesday April 02, 2024 - 11:53:40 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 calaamadood oo ad ku garan karto qof ka introvert ka ah

    Malahan asxaab badan xitaa waxa laga yaaba in aanu lahayn..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malahan asxaab badan xitaa waxa laga yaaba in aanu lahayn..


1. Waa qof jecel kalinimada ama cidlada.

2. Waxa uu necebyahay meelaha ay dadku isugu yimaadaan sida xafladaha ama aroosyada.
3. Call in uu ku hadlo waxa uu ka door bidaa message ahaan.


4. Marka uu saaxiibadiisa uu waqti la qaadanayo iyo marka uu naftiisa waqti la qaadanayo waxa uu ku raaxaystaa marka uu kaligii waqti qaadanaayo, Halka marka uu asxaabtiisa waqti la qaadanayo uu ku dareemo boring ama caajis camal.

5. Malahan asxaab badan xitaa waxa laga yaaba in aanu lahayn qof best friend u ah kaliya dadka dushaas uun buu kala qoslaa kalana socdaa.

6. Dadka badankooda isma fahmaan kaliya waxay is fahmaan in yar oo dadka kamid ah, Qofkay is fahmaan na way adag tahay inay kala tagaan.

7. Waxa ay si farxad leh ula sheekaysan karaan kaliya qofka ay si aad ah isku fahansan yihiin.

8. Way adagtahay in aad sirahooda ogaato.

9.Sidoo kale dadkan way adagtahay in ay helaan dad iyaga la fikir ah.

10. Dadka afaarahooda iyo arimahooda ma dhex galaan ayagana afaarahooda lama galo.
Caqabada ugu wayn ee haysata dadka noocan ah waxa weeyaan in dadka ku hareeraysan ay u haystaan ama u maleeyaan qof kibir badan oo isla wayn.

Hadaba maka mid tahay dadka introvert ama afka gaaban?
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...