Sababaha qoraayadu u guuldarreystaan

0
Tuesday April 02, 2024 - 11:40:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababaha qoraayadu u guuldarreystaan

    Haddii ay sheeko wanaagsan qori lahaayeen, waxaa ay aaminsan..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii ay sheeko wanaagsan qori lahaayeen, waxaa ay aaminsan..
1) waa kuwo leh rajo aan macquul ahayn!

Inta badan qoraayada socod baradka ah, waxay leeyihiin rajo aan maangal ahayn; waxaana ugu horreeya arrintaa laba fikradood oo ay aaminsan yihiin.

Fikrada kuwaad : iney fishaan guul degdeg ah (instant success)


Marka ugu horreysa ee ay qalinka qaataanba waxaa ay rabaan in qalinkoodu guuleysto. Qabyaqoraalkooda ugu horreynba noqdo mid heer sare ah. Maqaalka yar ee xarriiqaanba in uu noqdo wax aan hore loo arag oo cir-ka-soo-dhac ah oo qof kasta oo daalacdaa uu macaankiisa dabnaha leefleefo; sheekada uu qoraa ay noqo mid markaaba daafaha dunidda ka dhaadhacda; sheekada dheer ee uu qoraa ay noqoto mid aflaan laga sameeyo; mid intaas oo af shisheeye ah lagu turjumo, taasina waa mid aan maangal ahayn! Qoraalka wacani waxaa uu qaataa ammin. Maaha wax toddobaad, bil iyo sannad lagu barto. Waa wax u baahan adkeysi iyo samir. Waa inaad deddaashaa oo kolba waxii aqoon ah ee kor u qaadaya qoraalkaaga korodhsataa. Looma baahna guusha degdeg ah uu rajaynayo qoraagu. Qoraagu wuxuu maraa marxallado badan. Wuu guuldarreystaa. Wuu kufaa. Wuu kacaa. Wuu kobcaa. Wuu koraa. Wuu kaalingalaa, ugu dambeyna wuxuu gaadhaa kobtii guusha. Sidaa awgeed, haddii uu qoraagu rajeeyo guul degdeg ah, balse ay noqon weydo sida uu filaayay, waxaa uu bilaabayaa in uu niyadjabo oo uu isdhiibo, sidaana ku guuldarreysto.



Fikrada labaad: waa inay fishaan iney guushu fog tahay (distant success )


Waa kuwo aan kalsooni lahayn. Waa kuwo jecel qoraalka, waa kuwo wax badan qora, waa kuwo fikirkoodu wacan yahay, balse waa kuwo aan aamisanayn naftooda. Waxaa ay aaminsan yihiin in ayna si fudud u guuleysan karin. Waxaa ay guushooda ku laalaan cirka. Inta uu cirku u jiro in ay guushu u jirto ayay u sheegaan naftoodu.

Xilliga, wax nacfi leh la soo saaro ama buug soo saari karaan , inay u baahan tahay 30 sannadood oo qoraalka lagu dhex jiro, ayay iska dhaadhiciyaan!

Haddii ay sheeko wanaagsan qori lahaayeen, waxaa ay aaminsan yihiin in sheeko wacan oo la qoraa ay u baahan tahay 40 sanno oo waaya-aragnimo qoraaleed ah! Xaqiiqdii taasina waa rajo aan macquul ahayn. Looma baahna in sidaa u dheereyso guushaada. Haddii aad tahay qoraa sidaa u fikira, waa hubaal in aad guuldarreysaneyso. Looma baahna in guusha sidaa u dheereyso. Keliya waxaad u baahan tahay in waxii aad wax ka qoreyso diiradda saarto, waqti gaar ah u samayso, ka dhigato caado, inad iska saarto cabsida oo waxii maankaaga ka guuxaya iyo sheekada aad rabto inaad soo bandhigto, aannad marnaba qalinka kala laaban.
Ugu dambeyntii, iska ilaali rajooyinka aan macquulka ahayn ee aynu soo xusney, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin: inaad guul dhakhso ah rajeyso(instant success) iyo inaad rajayso in guushu aad kaaga fog tahay (distant success)

Maxamed Haybe Axmed.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...