Itoobiya Oo Muwaadiniinteeda Ka Soo Daadgureyneysa Sacuudiga

0
Tuesday April 02, 2024 - 09:44:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Muwaadiniinteeda Ka Soo Daadgureyneysa Sacuudiga

    "mahaajiriin gaadhaya 70,000 reer Itoobiyaha dalkooda lagu guryo celiyo."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"mahaajiriin gaadhaya 70,000 reer Itoobiyaha dalkooda lagu guryo celiyo."



Itoobiya ayaa tobannaan kun oo muwaadiniinteeda daruufeysan ah ka soo celineysa dalka boortooyada Sacuudi careebiya.



Go’aankan oo Addis Ababa looga dhawaaqay todobaadkii hore ayaa la qorsheeyey in uu billowdo horraanta Bishan April, waxaana lagu wadaa mahaajiriin gaadhaya 70,000 reer Itoobiyaha dalkooda lagu guryo celiyo.


Wasiiro Dowlaha Arrimaha Dibedda itoobiya, Birtukan Ayano ayaa sheegtay in hawlgalkan laguu soo daadgureynayo muwaadiniinta go’doonsan uu yahay kii 3-aad ee la fuliyo tan iyo 2018, iyadoo intaas ku dartay in mudnaanta la siinayo dadka tabaaleysan ee u baahan gurmad degdeg ah.


Inkasta oo dowladda Itoobiya aysan weli shaacin kharashka dhabta ah ee barnaamijkan ku kacayo, haddana Wasiir Birtukan waxay sheegtay in dadkaas loo diyaarinsayo wixii tas-hiilaad ah ee ay u baahan yhiin, sida saad, hooy iyo IWM.
Loading...
Loading...