Muxuu Yahay Warka Uu Ku Farxay Xasan Sheekh Ee Beesha Caalamka Ka Soo Yeedhay?

0
Monday April 01, 2024 - 12:57:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Warka Uu Ku Farxay Xasan Sheekh Ee Beesha Caalamka Ka Soo Yeedhay?

    "waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan"


Beesha Caalamka ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhowaysay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaagga, sida qabya tirka Dastuurka.



War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri, "Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yidhi "Waxaan rajeyneynaa iskaashi mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.”


Sidoo kale beesha caalamka ayaa farriin u dirtay saamileyda siyaasadda Somaliya "Waxaan sidoo kale qireynaa ku talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay in horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay,” ayaa lagu yidhi qoraalka beesha caalamka.


Madaxweynayaashii hore ee Somaliya iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hor yimid ansixinta afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka oo hadda beesha caalamka ay aad u soo dhaweysay.

Loading...
Loading...