Puntland Oo Qoonsatay Kheyre Oo Tagay Waqooyiga Gaalkacayo
Wasiiro
ka tirsan Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Gaalkacayo ayaa
Ra'isulwasaaraha ku eedeeyay in uu ku kacay fawdo, isla markaasna hareer maray
hab maamuuskii loo diyaariyay.
Wasiirka
arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa yiri
"Ra'isulwasaaraha waxa uu si cad u hareer maray hanaankii aan u dajinay,
wuxuuna yiri aniga hanaan raaci maayo, umana socdo in isimo , iyo odayaal la
kulmo, waxaan u socdaa in aan dhalinyaro la kulmo".
Ra'isulwasaare
Kheyre ayaanan ka qeybgalin kulan ku talogalka uu ahaa in uu ka dhoco
madaxtooyada Gaalkacayo, halkaas oo mas'uuliyiinta maamulka iyo odayaasha
dhaqanka ay ugu diyaarsanaayeen.
Wasiir Dhabancad ayaa ku baaqay in 'in loo guntado sidii Soomaaliya mustaqbalkeeda loo badbaadin lahaa'.
Xafiiska
Ra'isulwasaaraha kama uusan jawaabin eedeymihii loo jeediyay, balse mar uu
garoonka Maxamed Cawaale Liibaan ee Gaalkacayo kula hadlayay dadweyne badan
ayuu yiri "Shacabka iyo dowladda waa wadnihii iyo beerkii qofka
bini'aadamka ah, lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda".
Balse
wasiir kale oo ka tirsan Puntland ayaa shirka jaraa'id ka sheegay in
Ra'isulwasaaraha uu ku jiro olole doorasho, taasna ay ugu wacantahay in uu dad
isu soo baxay la hadlay.
Ra'isulwasaare Kheyre iyo wafti wasiiro iyo taliyeyaal ciidan u badan ayaa muddo 15 cisho ah ku sugnaa Galmudug, markii uu Gaalkacayo tagayna waxa uu u talaabay dhanka waqooyi oo uu ka arrimo maamulka Puntland.
BBC