Dhamaan Tagaasida Midabka Cadaanka Leh Oo Xabsiga La Taxaabay Berbera & Sababta

0
Saturday March 30, 2024 - 13:16:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhamaan Tagaasida Midabka Cadaanka Leh Oo Xabsiga La Taxaabay Berbera & Sababta

    "Waxa xusid mudan in isla xalay markuu shilku dhacay amar lagu bixiyay..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa xusid mudan in isla xalay markuu shilku dhacay amar lagu bixiyay..."


Berbera (HWN) Kadib markii uu xalay wiil yar oo 9 sano jira gaadhi 110 (one ten) nooca Somalidu utaqaan oo cadaan ahi ku jiidhay  aaga Hutelka Shide Yare  kadibna uu baxsaday waxa saaka saldhiga dhexe ee Berbera lagu soo xidhay guud ahaan wixii gaadhi cad ee Tagaasiya joogayna si loo helo gaadhigii shilka geystay.


 
Waxa xusid mudan in isla xalay markuu shilku dhacay amar lagu bixiyay inaan gaadhi tagsi cadaan ahi ka bixi karin magaalada aanu dhaafi karin labada kaantarool ee magaalada ka baxa.


Ciidanka nabad galiyada wadooyinka iyo booliska Gobolka Saaxil oo is kaashanaya ayaa dhacdadan heegan buuxa kagalay ilaa xalay ilaa hada.
Loading...
Loading...