Booliska Somaliland Oo Marxuun Lagu Dilay Hargaysa Ka Hadlay

0
Friday March 29, 2024 - 20:38:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Oo Marxuun Lagu Dilay Hargaysa Ka Hadlay

    "Ciidanka Boolisku waxay wadaan baadhid-dheeraada markay ay dhamaatana ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Boolisku waxay wadaan baadhid-dheeraada markay ay dhamaatana ..."


Hargaysa (HWN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedaysan in uu booskoolad ku dhuftay Marxuum nuur Cabdi Ismaaciil.


Booliska ayaa qabashada eedaysanahan war ay kaga hadlayaan oo caawa ay baahiyeen udhignaa sidan.



"Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Cabdirisaaq Axmed Koosaar oo ku eedaysan inuu 26-3-2024  ku dilay Magaalada Hargeysa marxuum  Nuur Cabdi Ismaaciil waxaanu ku dhuftay Baaskoolad.

Ciidanka Boolisku waxay wadaan baadhid-dheeraada markay ay dhamaatana waxay  degdeg u horgeyn doonaan sharciga  eedaysanaha. 

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxay tacsi u dirayaa ehelka marxuumkaasi Alle naxariistii janno haka waraabiyee. 

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.
Loading...
Loading...