Maxay Tahay Hanjabaada Bangiga Udduunku Udiray Dawlada Somaliya?

0
Friday March 29, 2024 - 14:23:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Hanjabaada Bangiga Udduunku Udiray Dawlada Somaliya?

    "Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa"


Hargaysa (HWN) Bangiga Adduunka ayaa fariin adag oo qoraal ah u diray dawladda Soomaaliya, gaar ahaana xubnaha dhinaca dhaqaalaha kuwargaliyey in xisaab xidhkii sida loo maamulay dhaqaalihii Bangiga Aduunka baxday aan lasoo gudbin, kaas oo waqtigiisu ahaa in loo gudbiyo Bangiga Aduunka 31-Dec-2022, hayeeshee aan ilaa hadda lahaynin
.
9 bilood oo dheeraad ah oo soo gudbin xogtan ay codsatay in DFS loogu daro ayaa lagu sheegay warqadan in ay ku e’ey tahay 31-ka bishan March oo aan lakordhin doonin.


Bangiga Aduunka ayaa kuhanjabay in haddii aan warbixinta la keenin ay qaadayaan tallaabooyinka ah.

1- Mashaariicda hadda socota lama kordhin doono.

2- Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.

3- Dhammaan wada xaajoodyada ayaa dib loo dhigi doonaa, xitaa kuwa hadda qorsheysan in lasoo daayo bisha Abriil 2024.

4- Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidaas oo kale lacagaha hadda mashaariicda socota ah ayaa la hakinayaa.

5- Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa lahakinayaa.

6-Bangiga Aduunka wuxuu hakinayaa deeqaha ay saameynayso warbixinta aan lasoo gudbin.

7-  Saddex Mashruuc oo ay tahay in April 2024-ka la fasaxo oo uu bixinayo dhaqaalahooda Bangiga Adduunka ayaa lahakinayaa.
Loading...
Loading...