Markab U Afduuban Budhcad-Badeed Somaliya Oo Laga Baqayo In Saadku Ka Go'o

0
Friday March 29, 2024 - 11:15:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab U Afduuban Budhcad-Badeed Somaliya Oo Laga Baqayo In Saadku Ka Go'o

    "Markabka ayaa heystay cunno ku filan muddo 25 maalmood ah markii la afduubanayay 12-kii March"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markabka ayaa heystay cunno ku filan muddo 25 maalmood ah markii la afduubanayay 12-kii March"



Markabka laga leeyahay dalka Bangladesh ee u afduuban burcad-badeedda Soomaalida ayaa la filayaa inuu dhowaan ka go'o saadka.



MV Abdullah ayaa weli u afduubay burcad-badeedda, inkastoo ay jireen warar sheegaya in wada-hadallo ay usoo bandhigeen milkiilayaasha.


Ururka saraakiisha badaha, milkiilayaasha markabka iyo ururka kalluumeysatada ayaa warkan u xaqiijiyay warbaahinta dalkaas.


Markabka ayaa heystay cunno ku filan muddo 25 maalmood ah markii la afduubanayay 12-kii March, balse burcad-badeedda ayaa cunnada isticmaalayay 16-kii maalmood ee xigay.


Markabkan oo kasoo shiraacday Musambiig kuna wajahnaa Imaaraatka Carabta ayaa safarkiisu wuxuu qaadan lahaa muddo 15 maalmood ah.
Loading...
Loading...