Qaar Ka Mid Ah Ururada Bulshada Rayidka Ah Oo Walaac Ka Muujiyey Mudo Dhaafka Ay Ku Fadhiyaan Goleyaasha Deegaanadu

0
Wednesday July 10, 2019 - 20:59:11 in News by
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Ururada Bulshada Rayidka Ah Oo Walaac Ka Muujiyey Mudo Dhaafka Ay Ku Fadhiyaan Goleyaasha Deegaanadu

    Qaar Ka Mid Ah Ururada Bulshada Rayidka Ah Oo Walaac Ka Muujiyey Mudo Dhaafka Ay Ku Fadhiyaan Goleyaasha Deegaanadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar Ka Mid Ah Ururada Bulshada Rayidka Ah Oo Walaac Ka Muujiyey Mudo Dhaafka Ay Ku Fadhiyaan Goleyaasha Deegaanadu


Hargeysa(HWN):-Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey mudo dhaafka ay ku fadhiyaan xildhibaanada goleyaasha deegaanada ee guud ahaan dalku.



Warsaxaafadeed ay soo saareen qaar ka mid ah ururada bulshada Rayidka ahi oo soo gaadhay Hadhwanaagews ayaa sidoo kale guul daro ku tilmaamay in hogaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadu ay ku guul daraysteen inay gaadhaan heshiis ay ku hirgeli karaan doorashooyinku.

No photo description available.

Warsaxaafadeedka ururada bulshada rayidka ahi soo saareen ayaadhignaa sidan:-


Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay kordhinta mudo xileedka madaxda la doortay iyo dib u dhigista doorashooyinka oo noqday wax si joogto ah u dhaca. Waxaanu walaac ka qabnaa in hogaamiyayaasha siyaasadeed ay ku fashilmeen inay ka heshiiyaan khilaafaadka siyaasadeed.


Kordhinta uu Golaha Guurtidu u kordhiyo madaxda la doortay maaha mid ku dhisan dastuurka Somalialnd waxaayna ka soo horjeedda mabaadida dimoqraadiyadda ee dastuurku waajibiyay. Dib u dhigista doorashooyinku waxaay majo-xaabin ku yihiin geedi socodka dimoqraadiyadeed islamarkaana waxaay muwaadiniinta ka qaadeen xaqa ay u leeyihiin inay si xillile ah ugu codeeyaan.


Golaha Wakiilada waxa la doortay mudo xileed 5 sanadood ah 2005. Si ka soo horjeedda dastuurka iyo rabitaanka shacabka, waxa ay hada ku jiraan mudo xileedkii sadexaad oo aan la dooran.

Golaha Guurtida oo ah ka wax kordhiyaa, weligii lama dooran.


Waxaannu cadaynaynaa sida aanu uga walaacsanahay sharcinimada golayaasha deegaanada Somaliland. Dhamaan 23 ka gole deegaan waxa ka dhacay mudo xileedkii la doortay, hadana weli xilka way hayaan.


Sida ku cad Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka mudo xileedka golayaasha deegaanadu waa shan sanadood oo keliya. Golayaasha deegaanada ee hada xilka haya oo la doortay 2012 ki waxa xilku ka dhamaaday 2017 balse waxa loo sameeye mudo kordhin. Mudo kordintaas lafteedu waxaay dhacday April 2019. Wax doorasho ah lama qaba, Guurtiduna uma kordhin.


Waxa qalbi jab ah oo aan sinaba loo aqbali karin in muwaadiniinta reer Somaliland loo diido inay doortaan cidda degmadooda ka madaxda ah. Waa qayral dastuuri waxayna ka soo horjeedda dastuurka.


Waxaanu qabnaa in maayarada iyo golayaasha deegaanadu aanay ku fadhiyin sharci islamrkaana uu ka dhamaaday mudadii xilkoodu xalaasha ahaa.


Sidaadsarteed waxaannu ugu baaqayaa Dawladda Somaliland:


·Inay doorashooyinka golayaasha deegaanada iyo baarlamaanka qabato sanadkan gudihiiisa;


·In maayarada iyo golayaasha deegaanadu ay baneeyaan xafiisyada oo ay si ku meel gaadh ah ugu wareejiyaan xilka xoghayaasha fulint si ay u sii hayaan inta doorasho laga qabanayo sida Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinku sheegayo;


·Inay joojiso kordhinta la caadaystay oo ay ku qabato doorashooyinka xiligooda sida uu waajibyay qaanuunka dalka u yaal.


Ururada Saxeexay:


Ururadan oo ka shaqeeya dhamaan gobolada Somaliland ayaa saxeexay baaqan:


1. Human Rights Centre Somaliland


2. Centre for Policy Analysis


3. COMPAD Human Rights and Community Organization


4. Centre for Youth Empowerment


5. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO)


6. Rural Livelihood and Development Organization


7. Hirad Development Organization


8. Handhis


9. Somaliland Street Children Safety Organization;


10. Ayaan Welfare and Humanitarian Organization


11. Hope Development.


Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh:

Independent Civil Society Organisations (ICSO)

Email: [email protected]

Twitter: @ISCOSomaliland

Loading...
Loading...