Qaabkee Ayaa Maamulka Jubaland Loogu Qaabilay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wefti Uu Hogaaminayey+Sawiro

0
Monday March 11, 2019 - 17:34:26 in News by
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkee Ayaa Maamulka Jubaland Loogu Qaabilay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wefti Uu Hogaaminayey+Sawiro

    Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyey raysal wasaare Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyey raysal wasaare Khayre

Kismaayo(HWN):-Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaadhay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubalanad.







Raysal wasaare Khayre oo ay weheliyaan xubno ka mid ah xukuumadiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo, iyada oo madaxweynaha Jubaland iyo dadwayne aad u tiro badani ay qaabileen.


Raysal wasaare Khayre ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Kismaayo waxa uu dadweynihii soo dhaweeyey qaarkood gacan qaaday iyada oo amaankiisana aad loo adkeeyey.






Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo soo dhaweeyey raysal wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in shacabka maamulkiisu ay ku faraxsan yihiin booqashada raysal wasaaraha iyo weftigiisa.


Raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre oo la hadlay dadweynihii ku soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ayaa u mahad celiyey shacabka iyo madaxweynaha maamulkaasi ee sida weyn u qaabilay.


Waxa uu sheegay in mudada uu joogo Kismaayo uu madaxda Jubbaland la qaadan doono kulamo lagaga arinsanayo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeyn dhexmarta dawlada dhexe iyo dawlad goboleedka Jubaland.






Waxa uu xusay in safarkiisa ay ku weheliyaan wasiiirro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda, isagoo xusay in wasiirada heer federaal iyo kuwa Jubbaland ay yeelan doonaan kulamo ay uga arrinsan doonaan wadashaqeyntooda, sidoo kale ay taliyeyaashu la kulmi doonaan taliyeyaasha ciidamada Jubbaland islamarkaana ay halkan ka qaban doonaan shaqooyin qaran.


Safarka uu raysal wasaaraha soomaaliya ku tagay xarunta maamulka Jubaland ee Kismaayo ayaa la dhawrayaa natiijada ka soo bixi doonta iyada oo mudooyinkii ugu dambeeyey aanu fiicnayn xidhiidhka dawlada federaalka ah iyo maamulka Jubaland.

Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya

Loading...
Loading...