Colaada Ceelafweyn Baho Faarax Iyo Sacad Yoonis Way Ka Fog Tahay

0
Wednesday July 10, 2019 - 20:11:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaada Ceelafweyn Baho Faarax Iyo Sacad Yoonis Way Ka Fog Tahay

    Qofkii og iyo kaan ogeynba Sanaag in Somaliland laga gooyo baa la doonaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkii og iyo kaan ogeynba Sanaag in Somaliland laga gooyo baa la doonaya
wixii ka horeeyey markii wadada isku xidha sanaag iyo somaliland inteeda kale la dhagax dhigay dadkani dad walaalo ah oo is jecel bay ahaayeen.


Sanaag waxay xidhiidh ganacsi la lahayd dekeddaha Bosaaso iyo Maydh, Burco iyo Ceergaabona waa lookala dhixi jirey waqti roobaadkana 2 ama 3 cisho buu gaadhiga dheeraynaya ukala dhixi jirey.


Balse wadadii kolkay shaqaysay 4 ilaa 5 saacadood bay isu socdeen gaadiidki Burco ila sanag gaadhiga xamuulka ka soo qaada Berbera gelinka horeba Ceergaabu gaadha halka waxaa ka baxay bayacmushtarkii bari loo qaban jirey. hadaba si aanay taasi u taaba qaadin waxa la unkay jawi colaadeed oo dib loogu soo celiyo go'doonkii gobolka Sanaag.


dawlada iyo hayadaha madaxbanaani uga shaqayn wadada inta hadhayna u joogsato.


arinka waa lagu guulaystay waxa la sameeyey Jabahad hubaysan oo fadhigeedu yahay Qardho waxa meesha ka baxday wada shaqayntii sanaag bari iyo Jamhuuriyada Somaliland. waxa hubka laysugu dhiibay dad wada dhashay oo walaalo ah .dawladihii somaliland ee kala dambeeyey arinka il fog kumay eegin meelan meeshedi ahayn bay ka dayayeen siyaasiniin ku xeel dheer arimaha socda gobolka umay dirin


Gutooyin ciidana, Culimo iyo Hogaandhaqameed bay markasta dowladu direysey hawsha meesha talaana way ka weyn tahay.


ugu dambeyn waxaan usoo jeedinaya dowlada inay talaabooyinkan ku dhaqaaqdo sida ugu dhaqsaha badan.

1- Badhasaabka gobolka in la bedelo oo siyaasi gobolka ka soo jeeda oo ruug cadaaya la keeno oo weliba sool iyo sanaag bari mid ah.


2- in sirdoonka qaranka xooog looga hawl geliyo gobolka.


3- in wadada inta dhiman la dhamaystiro si haddi arin degdegi u timaado markiiba loo gaadho.


4- in beelaha Sanaag wada dega shir laysugu keeno si ay maslaxada ubadkooda iyo mustaqbalkooda uga taliyaan dowladuna ku dul Joogto.

 

Waa talo Dhaanwade.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...