Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldan Abdilahi Suldaan Abdirahman Isaga Ayaa Xaq U Leh Caleemo Saarka

0
Wednesday July 10, 2019 - 20:05:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldan Abdilahi Suldaan Abdirahman Isaga Ayaa Xaq U Leh Caleemo Saarka

    Beesha Dhexdeeda Inuu Caleemo Saaro. W/Q Ahmed Ismail

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Dhexdeeda Inuu Caleemo Saaro. W/Q Ahmed Ismail

Sida aynu ognahay beesha subeer awal,waxay leedahay suldaan guud oo metela dhammaan beesha qurbo joog iyo qolol joogba waana suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxmaan suldaan diiriye garaad cabdalle garaad boon garaad


Hadaba waxa beryahan baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyey ama tvyada rag waaweyn oo suldaan xasan suldan cabdilahi ku fadeexadaynaya karamadiisana ku wiiqaya sheegayana inuu caleemo saaray ugaas aan loo dhamayn caleemo saarka ugaaska guud ee yaasif isaxaq
sacad muuse
waa loo dhamaa suldaan xasana waa
suldankii guud ee subeer awal isagana xaq u leh inuu markuu ku qanco talada odayasha cuqaasha waxgaradka beesha ugaaska caleemo saraysa inu sidaas ku ansixiyo xaqna isagaa u leh oday kale ama qof kale oon beesha caleemo saraysa ahayna inuu kala tashado


Hadaba waxa maalmahan saxafada aad ugu so noqnoqday suldan baclayaal iyagu iskood isku caleemo saray kana haysan kalsooni suldaanka guud ee subeer awal inay tv yada la so fadhistaan fadeexado

Waxaan u shegaynaya fadexad tvyada la la so fadhistaa fadeexad tvyada lala so fadhiistay leedahay waar toloow colka joooji

Reerkan sacad muuse waxan u malaynaa 100 sano ee nimcada inuu ka baxayo oo uu colaad sokeeyo dhexdiisa ka hurinayo

suldaanka guud ee subeer awal hadii shaashaynta laga daynwaayo sacad muuse anaga dagaalka ka dhex ridayna waa in loo hogaansama saldanada so jireenka ah ka ogalan mayno cid aan la fac ahayn saldanada oo wax ka sheegta dagaal banu ka xignaa reerka saldanada subeer awal haya hadaanu nahay ee reer axmed cabdalle na dagaalama ayaanu odhanaynaa oo difaaca sharafta saldanadiina suldankiinana garab istaaga nacaska miidhani ku magac raadsanayo


Dhacdooyinkan soo noqnoqonaya lagu wiiqayo sharafta suldaan xasan oo ah arrin ugub ku ah maqaamka saldanadaha soomaliland iyo maamuska iyo qaddarinta ay ku leeyihiin bulshada u cugatay xilkan culus.

HADABA arinkan raga suldamada isku sheegaya ee uu ka mid ka yahay suldaan isku sheega besha rer shirdoon
Suldan isku sheega beesha reer cabane ee ay tvyada la fadhiyaan suldaan xasan suldaan guud maaha oo halkaad joogteen suldaan xasan inuu ku abtirsano suldaan mudoo 300 oo sano ahna awoowyashii ay hayeen subeer awalna u talinayeen arinkaas waa arin la iskaga daba iman doono

Waana arin xadgudub ku ah saldanada subeer awal oo ah mid taariikh fac wayn ku leh geeska kuna dhisan xadaarad iyo ilbaxnimo guun ah.
Kana hor imnaysa jiritaanka saldanada guunka ee subeer awal

Waxaan cambaaraynayaa suldaanka waraabe u taagga ah ee tvyada la fadhiya suldan xasan suldaan nooma ah waxaan leeyahay adiga iska daayee Awoowyasheen buu suldaan xasan suldaan u yahay iska daayo kuwa nool ama kuwa dhalan doneee

Fadeexada nimankaasi la wareegayan waxaan leeyahay cida ku hawlan arrinkaas ugu baaqaya inay faraha kala baxaan khalkhal gelinta iyo been abuurka ay mujtamaca la dhex wareegayaan oo ah mid sharciga iyo kala dambaynta baalmarsan soomaali waxay tidhaahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah

Suldaanka guud ee beeshu waa suldaan xasan oo qiimo ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana ay beeshu kalsooni ku qabto

waxaana mudan in la xushmeeyo suldaanka waana shakhsi samo ka talis ah oo bulshada isku xidhkeeda ka taliya,nabada iyo amniga qarankana door muhiim ah ka qaata.

Waxaan ku so gunaanadayaa in la ilaaliyo sharafta saldanada subeer awal

Ahmed ismail
Hargeisa,somaliland
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...