Dhacdo cusub: Saynab Xuseen Oo Ninkii dilay lala aasay

0
Tuesday March 26, 2024 - 14:40:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo cusub: Saynab Xuseen Oo Ninkii dilay lala aasay

    "haddii aad i diiddana ma sii noolaanaysid"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"haddii aad i diiddana ma sii noolaanaysid"

 
Deegaanka Wanlaweyn ee gobolka shabeelada hoose maalinimadii shalay ayaa waxaa lagu dilay Saynab Xuseen Cumar oo ahayd hooyo dhashay 3 carruur ah, dilkeedda waxaa gaystay Cabdullaahi Xuseen Dheesoow oo ahaa nin ay horey u isku qabeen Saynab.



Dilka gabadha ayaa sababay muran dhexdooda ka dhashay oo muddo socday intii u dhaweydna ay ka war hayeen. Shalay xilligii uu dilka gaysanaayay Cabdullaahi waxuu wacay xaaskiisii hore oo saddex carruur ah u haysay isagoo u sheegay in uu carruurta rabo in uu u iibiyo dharka ciidda.


"Waxaa naloo sheegay in muddo ah in uu muran ka dhexeeyay labadooda kaas oo ku saabsanaa inuu u laabto [Dib aan isku guursanno] iyaduna ay diidanayd, "haddii aad i diiddana ma sii noolaanaysid" uu ku yiri maalmo hore loo soo dhaafay ayaan hadda warbixinta ku helay” ayuu yidhi Maxamed Axmed Xaaji Mukhtaar (Gacmadheere) Guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn.

Markuu dilka gaystay ayuu iskaga baxsaday goobtii waxaana ka dabo tagay ciidamada amaanka iyo qaar kamid ah ehalada ninka dilka gaystay oo rabay in ay soo qabtaan si cadaaladda loo hor keeno, balse waxaa isna la soo dilay ninkii gabadha dilay kadib markii uu rasaas ugu jawaabay ciidamadii ka dabo tagay, sida uu sheegay Gacmo dheere.


"Annaga in aan soo qabanno oo cadaaladda hor keenno ayuu waajibkeenna ahaa [midkii ugu weynaa], laakiin qofkii hadduu dagaalamay ciidankii amaanka iyo reerkiina xabbad kala hor imaaday meesha biyo laguma cabaayo ee rasaas baa dhacday – rasaas baa loogu jawaabay, wayna haleeshay.”


Ayuu yidhi Maxamuud Cabdullahai Xuseen (Abookey) oo ka mid ah ehalada wiilka kana mid ahaa dadkii qaraabada ahaa ee rabay ninka in ay soo qabtaan.

Ninka gabadha dilka u gaystay waxuu ahaa shacab balse qori iibsaday markii uu dalka kusoo noqdayba. Waxuuna gabadha ku dilay fagaare magaalada dhexdeeda ah oo dadku ay wada arkayaan xilli maalin cadeey ah.


Maxamuud Cabdullaahi waxuu aaminsan yahay in dhibaatadaan oo kale ay sabab u tahay badqab la'aanta caafimaadka maskaxeed ee dadka taas oo aan inta badan lagu baraarugsanayn.


"Burburkii dalka ka dhacay waxaa sidoo kale dadka ku dhacay xanuunno (dhimirka ah) qof walbana wuu xanuunsan yahay, umaddiina waxay u baahan tahay wacyi gelin badan in loo sameeyo” ayuu yidhi isaga oo sharaxaya arrintaan dhacday.


Maxamuud wuxuu codsanayaa in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka koonfur galbeedba ay ka sameeyaan hub-ka-dhigis dadka shacabka ah si looga hortago dilalka noocan oo kale ah.


"Waxaan ka codsanaynaa dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeedba in ay xasillin ka sameeyaan deegaanadaan, hub ka dhigisna dadka lagu sameeyo”

Guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn Maxamed Axmed Xaaji waxuu sheegay in maadaama uu gacan ku dhiiglahii gabadha dilay isna la dilay bulshada ku dhaqan magaalada ay u tahay wax walaacii dhacdada foosha xumeyd ka tiraysa.


"Ninkaas haddii uu maanta baxsan lahaa ama la hoosaasin lahaa aad bay [bulshada] walaac ugu abuuri lahayd, maadaama gacan ku dhiiglihii gabadha dilay shalay labadoodaba laysla aasay bulshada reer Wanlaweyn aad bay usoo dhaweeyeen”.


Cabdullaahi Xuseen Dheesoow oo ah ninka Gabadha dilka u gaystay ee isna la dilay waxay kala tageen isaga iyo gabadha uu dilay labo sanno ka hor, wuxuuna aaday dalka Sacuudiga.


Tan iyo soo noqoshadiisii ayuuna gabadha kala hadlaayay sida la sheegay in ay dib isku guursadaan isaga oo ku handaday xitaa cid kale in aysan shukaansan karin. Wararka qaar waxay sheegayaan in gabadha ninkaas ay qaraabo yihiin


BBC
Loading...
Loading...