Banaanbax Lagu Taageerayo Dhameystirka Dastuurka Oo Ka Dhacay Muqdisho

0
Tuesday March 26, 2024 - 09:36:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax Lagu Taageerayo Dhameystirka Dastuurka Oo Ka Dhacay Muqdisho

    "Xubno kale oo baarlamaanka Soomaaliya ah ayaa iyagu ilaa haatan dhammaystiray doodda "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xubno kale oo baarlamaanka Soomaaliya ah ayaa iyagu ilaa haatan dhammaystiray doodda "



Banaanbax ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu taageerayo dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka.



Bannaanbaxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana uu kusoo aadayaa xilli qorshaha dib u eegista iyo wax ka beddelka dastuurka ee lasoo jeediyey ay mucaaradad kala kulantay xubno ka tirsan baarlamaanka.


Xubno kale oo baarlamaanka Soomaaliya ah ayaa iyagu ilaa haatan dhammaystiray doodda iyo dib u eegista afarta cutub ee ugu horraysa dastuurka ku meelgaarka ah.


Dastuurkan ayaa rasmi ahaan ay u ansixiyeen ergooyin ka badan 800 oo bishii Ogosto 2012-kii ku shiray magaalada Muqdisho.


Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay bishii Jannaayo ee sannadkii hore inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta lagu wada heshiinayo dastuurka lagana dhammaystirayo, aftina loo qaadayo.


Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ayey maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen xubno siyaasiyiin ah oo ay ku jiraan laba madaxweyne oo hore, kuwaasi oo dhalliilay qorshaha wax ka beddelka dastuerka ee hadda socda.
Loading...
Loading...