Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Tacab iyo Dedaal Badan Ayuu Geliyey Dabinta Colaada Ceel-afweyn.

0
Wednesday July 10, 2019 - 20:00:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Tacab iyo Dedaal Badan Ayuu Geliyey Dabinta Colaada Ceel-afweyn.

    sida aynu wada ognahay muddo haatan laga joogo ku dhowaad sanad ayay markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sida aynu wada ognahay muddo haatan laga joogo ku dhowaad sanad ayay markii

loo gurmaday Colaada Degmada Ceel-afweyn, iyada oo aan loo kala hadhin marka la eego ummadda reer somaiand, ergooyin isugu jiray culumaa’iidinka ugu waaweyn somaliland, Xukuumada, salaadiinta, aqoon yahan , dhalinyaro iyo haween intaba.



Hadaba hawsha intaa le’eg ee la geliyey degmada Ceel-afweyn iyo dabinta colaada, waxaa hormood ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ahaa shaqsigii ay ku dhacaysay waxaas oo hawl ah, sidoo kalena hoggaaminayey weftigaas cuslaa ee ay somaliland oo dhami ka wada muuqatay ama qaybta ka wada ahayd intoodii aqoonta loo bidayey.


Wasiir Maxamed Kaahin, waxay ku qaadatay bilo badan in uu dhexda u xidho oo uu fadhiyo degmada Ceel-afweyn, hawshiina waa tii lagu guulaystey ee la soo afjaray, guulna ay ku soo dhamaatay, iyada oo cadaalad loo sameeyey beelihii halkaas ku diriray, waxaana ka soo baxay halkaas go’aan ay ku wada qanceen labada dhinac.


Iyada oo ay sidaa tahay waxaa ka soo noqday arrintaa tuur tuur danbe oo ay ugu waynayd tii labadii cisho ee ugu danbaysay ka dhacday degaanka Darar-wayni ee Degmada Ceel-afweyn, halkaas dad badani ay ku dhinteen dagaalka labada beelood ee walaalaha ah.


Waxaa iska cad in khaladka halkaa ka dhacay ay leeyihiin labada beelood ee walaalaha ah,kuwaas oo noqday kuwo dhiigu xalaal u noqday ama aanuba qiimo la lahayn qofka dhimaya, waxay ka xishoon waayeen Ilaahay {WTC}, waxay ka xishoon waayeen ummadda reer somaliland ee maalin walba ka naxaysa arrintaa, waxay ka xishoon waayeen wada dhalashadooda iyo wax isu ahaan-shahooda, waxay caadaysteen daadinta dhiiga.


Hadaba arrinta noocaas ah ee iska cad ayaa shaqsiyaad maan-gaab ah waxay ku eedaynayaan xukuumadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan ku soo xusay kor dedaalka uu geliyey soo afjarida colaada Ceel-afweyn.


Waxaynu wada ognahay in xukuumada iyo Wasiirkeeda arrimaha gudaha, laamaha kale ee ammniga in Ceel-afweyn la geeyey ciidankii ugu badnaa, kaas oo ahaan lahaa kii dalka cadawga dibeda ka difaaci lahaa, waxaa halkaa loo geeyey ilaalinta ammniga ee degaanka Ceel-afweyn, iyada oo maalin walba hadana ay dhibaato ku hayaan dadka degaanku, iyana ay dadkooda u dulqaataan, taas ayaa muujinaysa sida aan xukuumadu aanay waxba kuga hagran colaada Ceel-afweyn, balse ay dadku yihiin kuwo itixaaman.


Gunnaanad

Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa in Wasiir Macamed Kaahin iyo xukuumaduba ay dedaal badan geliyeen soo Afjarida Colaad Ceel-afweyn, wax allaale wax laga hagradayna aanay jirin, dadka aamisan xukuumadda ayaa dayacday colaada Ceel-afweyn, waxaan u arkaa dad uun garan waayey qaab ay wax u dhaliilaan oo maan-gaabnimo haysa.

Qofkasta oo caqligiisu feyewyahay wuu ogyahay doorka uu ka qaadan karo colaada Ceel-afweyn, balse ninka wax dhaliilayaa waa nin aan jeclayn in ay colaada Ceel-afweyn dhamaato.

Cabdilaahi Axmed Caarshe,

Hargeisa Somailand

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...