Somaliland & Itoobiya Oo Iska Kaashanaya Xakamaynta Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka Dilaacay Wajaale

0
Monday March 25, 2024 - 11:50:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland & Itoobiya Oo Iska Kaashanaya Xakamaynta Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka Dilaacay Wajaale

    "waxaana aanu ku kulanay Masuuliyiin ka socday Dawlad deegaanka "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaana aanu ku kulanay Masuuliyiin ka socday Dawlad deegaanka "


Wajaale(HWN)Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay isla markaana iska kaashanaya xanuunka shuban-biyoodka oo ka dilaacay magaalo xuduudeedka Wajaale.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland  iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,ayaa kulan ku yeeshay magaalada Wajaale.
Wasiir ku  Xigeenka Wasaarada Horumarinta  Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye oo kulan kula qaatay Magaalada Wajaale Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dawlad  deegaanka Soomaalida ayaa  ka wada Hadley sidii iskaashi looga wada yeelan lahaa in aanu u fidin xanuunka Shuban-Biyoodka oo ka dilaacay Magaalada Wajaale.



Wasiir ku  Xigeenka Wasaarada  Caafimaadka Somaliland  ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii  ay ka wadahadleen Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka dawlad deegaanka.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu kormeer ku soo samaynay xaalada  Caafimaad Xuduuda  Wajaale iyo deegaamada ku teedsan,waxaana aanu kulan la yeelanay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ee  Dawlad deegaanka Soomaalida.waxaana aanu ka wadahadalnay  sidii iskaashi buuxa aanu uga  wada yeelan  lahayn Xanuunka Shubanbiyoodka,waaxaana aanu isla, qaadanay in  si buuxda  iskaga kaashano farsamo ahaan iyo  iswaydaarsiga xogta iyo in kulamo joogta laga wada xidhiidho ayaanu isla garanay,waxaana aan u mahadnaqayaa madaxda Caafimaadka ee Gobalka Gabilay iyo Maayarka iyo Guddoomiyaha Gobalka Gabilay iyo masuuliyiinta Caafimaadka Wajaale heegan buuxa ku jiray,waana in dadka laga  Wacyigaliyo  si aanu xanuunku u fidin waana in  nadaafada  la ilaaliyo xili roobaadkii ayaa soo dhaw,”.


Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa waxa uu sheegay in la xakameeyay Xanuunka Shubanbiyoodka ee ka dilaacay Wajaale Waxaana uu yidhi

"Waxa aniga iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaaadka wefti aanu hogaaminaynay aanu  usoo kicimtimnay Magaalo xuduudkeeda Wajaale iyada oo aanu doonaynay in aanu soo indho indhayno oo aanu u kuurgalno heerka uu marayo Xanuunka shubanbiyoodka ee toddobaadkan ka jiray Magaalada Wajaale iyo degmooyin kale oo dalka ka mida.waxaana aanu kusoo aragnay shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka oo xakameeyay Xanuunkii shubanbiyoodka, waxaana aanu keenay dawooyinka lagula tacaalo xanuunka shuban biyoodka. waxaana aanu u gudubnay dhinaca Wajaale ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxaana aanu ku kulanay Masuuliyiin ka socday Dawlad deegaanka waxaana aanu isla qaadanay in si wada jira oo dhamaystiran looga wada shaqeeyo xaaladaha Caafimaad ee ka cusboonaaday dhinaca xuduuda.sidii loo xakamayn lahaa waxaana kulankaasi ku dhamaaday isafgarad.”
Loading...
Loading...