Maxay Tahay Digniin Ciidanku Udiray Gaadiidlayda Somaliland?

0
Monday March 25, 2024 - 11:39:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Digniin Ciidanku Udiray Gaadiidlayda Somaliland?

    "dadka waxa aanu uga digeyna in labadaas qodob wax ka badan aanay gelin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dadka waxa aanu uga digeyna in labadaas qodob wax ka badan aanay gelin"


Hargeysa (HWN) Ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland ayaa digniin adag ka soo saaray Laydhka saayidka ah ee gaadiidka lagu xidho, waxaanay sheegeen in dirawalka lagu qabto isaga oo gaadhigiisa ku xidhay, in laba milyan lagu ganaaxi doono xadhigna loogu dari doono.


Geesta kale waxa ay ciidamada nabadgelyada waddooyinka Somaliland ay soo bandhigeen khasaaraha nafeed ee ka dhashay laydhadhka saayidka ah ee lagu xidho gaadiidku.

Waxaa sidaa warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka,waxaanu yidhi."Laydhka siyaadada ah ee gaadiidka lagu xidha waxay keenaan dhibaatooyin kala duwan, wax uu gaadiidka u qabanaya majiro, dadkiina dhibaato ayuu ku keenaya.

14-kii toddobaad ee u danbeeyay shilalka ay sababeen laydhadhka siyaadada ah ee gaadiidka lagu xidha, waa laba dhimasho iyo khasaare fudud.

Laydhadhka siyaadada ah ee hadda la soo dejiyay ee la iibiyo isla markaana lagu xidho gaadiidku halistooda ayay leeyihiin, inta ugu badan ee shilalkaasi dhacaana waa afarta galabnimo ilaa lixda habeenimo, iyada oo dadku ay Ciid tagayaan, afur tagayaan, suuqa u soo baxayaan, xawaare ayay ku socdaan, waxaanay keenaysa in gaadiidkii dadkii jiidhaan oo dhibaato keenaan.”

Sarkaalka u hadlay laanta nabad gelyda waddooyinka ee ciidanka booliska ayaa intaa ku daray. "Dirawaliinta waxa aanu uga digeyna inay joojiyaan laydhka siyaadada ah ee ay gaadiidka ku xidhayaan, dirawalka danbe ee aanu ku qabano ganaax daaye, xadhig ayaanu ugu beddelaynaa.

Xawaaraha lagu soconayo ee 75 ee Xeerka nabadgelyada waddooyinka, isaga oo aan xeerka ciqaabta loo eegin, xeerka nabadgelyada waddooyinku waxa uu sheegaya xadhig saddex bilood ah iyo ganaax laba milyen ah, lagu xukumi doono dirawalinkii lagu qabto.

Laydhka siyaadada ah 82 ninka ku xidha waxaan loo ogolayn, ee sharcigu tilmaamay waxbaanu ka qaban doona, dadka waxa aanu uga digeyna in labadaas qodob wax ka badan aanay gelin, ninkastowba gaadhigaaga haddii uu ku xidhan yahay ka fur”

Loading...
Loading...