Orodyahanka Kaliya Ee Ay Somaliya u Dirsatay Tartan Caalami ah Billaddana Soo Qaatay Bishan

0
Monday March 25, 2024 - 09:30:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahanka Kaliya Ee Ay Somaliya u Dirsatay Tartan Caalami ah Billaddana Soo Qaatay Bishan

    "Wallaahi nwaxaan dareemay farxad aan lasoo koobi Karin, "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wallaahi nwaxaan dareemay farxad aan lasoo koobi Karin, "
Maarso waxaa magaalada Acra ee caasimadda dalka Ghana ka socday tartan caalami ah oo orodka, kaas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50 dal oo ku yaal qaaradda Afrika.


Dalalka ayaa dirsanayey orodyahannadooda ugu dheereeya iyada oo dalalka Bariga Afrika oo orodka masaafada dheer caan ku ah ay dirsadeen dhowr ciyaartoy midkiiba marka laga reebo Soomaaliya.



Soomaaliya waxaa uga qayb galay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo hore ugu guulaystay orodyo isla markaana kaalinta labaad ka galay orodka shanta kun ee mitir oo uu shalay ka qayb galay, isaga oo noqday orodyahanka kaliya ee Soomaaliya uga qayb galay tartanka.


Kaalinta kowaad ee masaafada 5000 waxaa Cabdullahi ka qaatay orodyahanka u dhashay dalka Itoobiya ee Gebrhiwet Berhe, haseyeeshee Cabdullaahi wuxuu dhigay taariikh cusub kadib markii uu Soomaaliya u hantay billaddii ugu horaysay ee heerkan oo kale ah muddo 35 sano ah kadib.

Tartanno badan ayaa ka dhacay halkaas waxaana billadaha ugu badan aruursaday dalka Masar oo qaatay191 billadood, iyada oo ciyaaraha lasoo gabagabeeyay shalay oo sabti ahayd.


Si kastaba ha ahaatee cabdullaahi Jaamac oo BBC u warramay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kaalinta iyo billadda macdanka ee u uku helay kaalinta labaad ee orodka shanta kun ee mitir ah.


"Wallaahi nwaxaan dareemay farxad aan lasoo koobi Karin, waayo inabadanbay maskaxdayda ka guuxaysay in aan billad kaga guulaysto orodkan,” ayuu noo sheegay Cabdillaahi.


Cabdullaahi waxa uu sheegay in dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea oo midkiiba ay saddex ciyaartoy uga qayb galaysay orodkan shanta kun ee mitir ah ay ahaayeen kuwa culayska ku hayey balse uu ka guulaystay dhammaan ciyaartoydaas marka laga tago orodyahanka reer Itoobiya ee kaalinta kowaad galay.


BBC
Loading...
Loading...