Poland Oo Sheegtay in Ruushku 'Kusoo Xadgudbay' Hawadeeda

0
Monday March 25, 2024 - 09:20:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Poland Oo Sheegtay in Ruushku 'Kusoo Xadgudbay' Hawadeeda

    "Waxaan ka codsaneynaa Federaalka Ruushka inay joojiyaan duqeymaha "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan ka codsaneynaa Federaalka Ruushka inay joojiyaan duqeymaha "


Poland ayaa sheegtay Axadda maanta ah in ay Ruushka ka dalban doonto in uu sharxo "xadgudub cusub oo hawada sare ah” ka dib markii gantaal Ruushka laga leeyahay uu kusoo xadgudbay hawada dalkan ka tirsan NATO qiyaastii 2 kiiloomitir subaxnimadii Axadda maanta ah ka hor inta uusan ku laaban Ukraine, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Poland.



"Hawada Poland waxaa ku soo xadgudbay mid ka mid ah gantaalada nooca loo yaqaan Cruise missiles ee habeenkii ay rideen ciidamada cirka ee Federaalka Ruushka," ayay ciidanku ku yiraahdeen X, oo hore loogu yeeri jiray Twitter, iyagoo raaciyay, "gantaalka ayaa ku duulay hawada Poland ee ka sarreysa tuulada Oserdow (gobolka Lublin) waxayna hawada dalka uu ku jiray joogtey 39 ilbiriqsi."


"Waxaan ka codsaneynaa Federaalka Ruushka inay joojiyaan duqeymaha argagixisanimo ee ka dhanka ah dadka iyo dhulka Ukraine, si loo joojiyo dagaalka iyo in diiradda la saaro dhibaatooyinka gudaha ee dalka," ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pawel Wronski yiri, sida ay sheegtay Reuters.


Dhanka kale, Ukraine ayaa sheegtay in Ruushku uu dalkiisa ku qaaday weerar saddexaad oo gantaallo ah afartii maalmood ee la soo dhaafay, kaasoo ahaa kii labaad oo lagu bartilmaameedsado Kyiv. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in digniinta hawada ee Kyiv ay socotay in ka badan laba saacadood.


Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in 10 gantaal oo Yukreeniyaan ah ay ku soo rideen magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea, iyagoo intaa ku daray in ay Sabtidii qabsadeen tuulo u dhow Bakhmut.
Loading...
Loading...