Farmaajo Oo Sheegay Sababta Uu Utagi Waayay SSC Khaatumo

0
Sunday March 24, 2024 - 15:11:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Sheegay Sababta Uu Utagi Waayay SSC Khaatumo

    "laakiin aniga iyo markii aan wadahadalnay hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"laakiin aniga iyo markii aan wadahadalnay hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ..."


Madaxweyne hore Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu doonayay in uu tago magaalada Laasacaanood ee xarunta maamulka Khaatumo, balse duruufuhu u saamixi waayeen.



"Waxan dooneyney in kastoo waqtigu nagu yar yahay in aan tagno Laasacaanood, ee Khaatumo State, een laakiin iyada laftigeeda dadka uga turnay xiligan adag ee kuleylaha ah iyo bishan ramadaan ee dadku cibaadeysanayaan, inaan dadkii dhib u gaysano, kulamdooda iyo soo bixitaankooda”.


Farmaajo ayaa sheegay in ay wadahadleen hoggaamiyaha maamulka Khaatumo, isla markaana ay isla garteen in uu booqashadiisa markale ka dhigto.


"laakiin aniga iyo markii aan wadahadalnay hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye aan isu sheegnay in ay qurxoon tahay in aan dib u soo noqdo, marka uu halkan shirku ka dhacaayo (Garoowe) aan waqti fiican ku imaado Khaatumo, kana bilowno Laasacaanood, Buuhoodle, Guumeys iyo Carooley iyo wixii suurtagala oo deegaannadaas ah oo dadka la kulano” ayuu yiri Farmaajo.


Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Garoowe oo uu maalmihii la soo dhaafay u joogay shir lagu diidan yahay nidaamka loo marayo dib u eegista iyo wax ka badalka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Loading...
Loading...