Dagaalka Ceel Afwayn Ee Daba Dheeraaday Waa Wax Laga Yaqyaqsoodo

0
Wednesday July 10, 2019 - 19:54:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Ceel Afwayn Ee Daba Dheeraaday Waa Wax Laga Yaqyaqsoodo

    Masuuliyadiisana Waa Layna Waydiinayaa Mar Xaga Rabi Loo Wada Hayaamo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyadiisana Waa Layna Waydiinayaa Mar Xaga Rabi Loo Wada Hayaamo.

Oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan baa loo kala guraaye.

Waxaana gabay

1. Masuuliyiinta dhaqanta labada reer ee walaalaha ah ee dagaalamaya.

2.Qolyaha Xadhiga u ah ee la jaarka ah oo aan arrinkaa daacadka ahayn.

Labadaa qodob ee waa wayn marka laga yimaado waxaa jira arrimaha badhitaaray hawlahan socda oo aan weligeed la horumarin.

¤ Dhinaca Dawlada hadaan soo qaadano Ceel Afwayn waa Degmo balaaran 30% kama aha labada reer inta ay ka degaan waa tirsantahay Tuulooyinka iyo goobuhuba inay awood dhinaca meleteriga ah saartaa baa ahayd oo aanay u hamran wax ma garatada.

¤Dhinaca dabshidayaasha labada dhinacba waxaa jira rag ku shaaha ama shaqo ka dhigtay dilaalka labada reer oo dadka qurbaha jooga ama inta wax haysata ku baadha si lacag hawlgal ah loogu soo diro iyagoo ku andacoonaya in dhinicii ka soo horjeeday ay soo gaadhay kharash iyo Saanad,si la isugu shuf beelo mashruucuna aanu u kala go'in.

¤Dhibco tirsi dhinaca dhimashada ah oo qolo waliba faan ka dhiganay intaas baanu dilay oo Aakhiro seeg aan faan ku jirin ah.

¤ Aqoon la'aan diimeed iyo mid maadi oo dhinacwalba ah oo deegaamadaas ay ka aradanyihiin.

¤ Horumar la'dhinaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ah oo Dawlad iyo ganacsataduba ay dayeceen.

Hadaan arrimahaa wax laga qabana nabadi xidhmi mayso.

Waxaan ku talinlahaa in sidan si la isugu dhaamo oo aqoontu taliso.

 

from

Musa Hamud Adam

[email protected]

Economist and political analyst.

Erigavo


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...