Nadaafadda Goobaha Raashinka !

0
Saturday March 23, 2024 - 13:32:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nadaafadda Goobaha Raashinka !

    Waxa kale oo ay daraasadu ku talisay in la kala saaro..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo ay daraasadu ku talisay in la kala saaro..

Waxa jirta fikrad si weyn loo aaminsan yahay oo faaftay taasi oo ah in Xamaamku yahay xarunta bakteeriyada ee guriga. Laakiin daraasad cusub ayaa soo saartay in arinkaasi aanu ahayn mid siidiisa u wada run ah, iyadoo madbakhu noqday kan ay bakteeriyadu kaga badan tahay xamaamka.


Daraasadan ayaa dadka ku dhiirigelisay inay ku dadalaan nadaafadda Madabakha iyo agabaka yaala si loo xakameeyo bakhteeriyada guriga. In la nadiifiyo midiyaha, weelka iyo qalabka looxa ka samaysan ee la adeegsado ayaa muhiim ah.



Waxa kale oo ay daraasadu ku talisay in la kala saaro qalabka loo adeegsado googaynta hilibka iyo kan loo adeegsado khudarada, si loo joojiyo isu gudbka ama qulqulka bakteeriyada (Cross infection).


 

2- Khaanadaha kabadhada Madbakha oo an aan lagu ridin wax cunto ah aya iyana muhim ah.

 

3- Maydhisa joogto oo lagu sameeyo Madbakha iyo xamaamkaba loona adeegsado dareeraha uskaga lagu istcmaalo.


Warbixintan ayaa cadaysay inay dadku xooga saaran nadaafadda xamaamka , laakiin ay dhayalsadaan tan madbakha oo ah goobtii cuntada oo u baahan in laga ilaaliyo Bakhteeriyda, iyadoo hilibka iyo khudaarta la keenayo ay la socoto Bakteeriya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...