Boqor Maxamed Boqor Ciise Oo Baaq Nabaddeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay deegaanka Ceelafweyn

0
Wednesday July 10, 2019 - 19:43:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Maxamed Boqor Ciise Oo Baaq Nabaddeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamay deegaanka Ceelafweyn

    Hargaysa(HWN):-Boqorka guud ee beelaha Arab Boqor Maxamed Boqor Ciise

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Boqorka guud ee beelaha Arab Boqor Maxamed Boqor Ciise waxa uu baaq u dirayaa beelaha ood-wadaagta ah ee dirirtu ku dhex-martay deegaanka Ceel-afwayn, waxaannu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo nabadda ku soo dabaallaan.


Boqor Maxamed Boqor Ciise waxa uu Xukuumadda, Culimadda awdiinka, Madax-dhaqmeedka iyo guud ahaan wixii islaam ahba u soo jeeddiyay inay u gurmaddaan sidii loo dhex-geli lahaa dagaalka u dhaxeeya labadda beelood ee Walaalaha ah ee wada deggan deegaanka Ceelafwayn ee gobolka Sanaag, waxaannu sheegay inaanu dagaal Xal ahayn, isla markaanna dagaal Wiil baa ku dhintee, Wiil kuma dhasho ayay Soomaalidu odhan, waxaan leeyahay Caqligu ha shaqeeyo oo Illaahay ha loo soo noqdo, waxaan qabaa dagaalkaasi wuu soo noqnoqday oo uu jiitamay waxaa loo baahan yahay inaan la fiirsan dhiigga dadkaas Walaalaha ah ee daadannaaya.



Waxa kale, oo uu Boqor Maxamed Boqor Ciise uu soo jeeddiyay in Xaajadda labaddan beelood hoos loo galo oo ubucda khilaafkoodda la soo taabto si looga hor tago dhiig danbe oo qubta, waxaannu soo jeeddiyay in loo saarro ergo si Caddaalada arrintaas u gasha oo inta waxaasi dhammaanayaan la joogta oo ku dhex jirta.

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...