Onkodaw Dhac Oo Xeeshaa Dhac ( Abdi-Shotaly)
Waxa hore loo yidhi "Onkodaw dhac oo xeeshaa dhac", Ee geenyo shaaximani waa kaynu ogayn uun, ee ma caqli ba au soo kordhay? Mise dib baa loo soo abuuray? Bal dib isu waydiiya, oo taariikh-dda Somaliland ku noqodda intii ay jirtay, kan geenyo shaaximan iyo askariga uu u adeegaa ( Raggii ma adiga aka hadhay), waxay ahaayeen kuwii dhigay dagaalkii maryo-aloolka, ee aabaha iyo hooyadda u ahaa, ee aan cid kale loo eersanayn. Ilaa uu ka takhalusay-na Marxuumkii (Ihun) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, isma uu taagin dagaal-kaas isaga ah ee aan sare ku sheegay, dalku maalin-taas buu degay, markii Mr Cigaal uu maamulkii debedda ka dhigay. Hadaba maanta oo ay qurba-siraad ku mehersadeen maamulkii, waa kuwaas ka bilaabay halkii ay ka qabshao barteen, ee ciilkii ku raagay soo dhigeen banaanka. waxa u daliil ah, Geenyo shaaximani mudo laba wiig ah horteed, isaga oo wata wax uu wefti ku sheego, waa kii Burco tegay, markii ay soo baxday in ay labadda beelood ee HJ iyo HY waanu wadda hadlaynaa ay yidhaaheen. Af buuxa wuxu ku yidhi ma dhici karto, in ay heshiiyaan labadaas beelood, ee colaadda hor leh ka bilaabay, tuu maanta fuliyey-na waa tii uu ku diiday heshiis-kaas labadda beelood dhex mari lahaa, ilayn dan baan ugu jirine.
Haddii aanay iyaku wadin dagaalka muxuu u dhici waayey, intii aanay haynin maamulka, ina cigaal iyo Riyaale, ee uu u bilaabmay markii ay taladda boobeen, ilaa iyo maalintii Kulmiye la doortay ee 2010kii uu u socdaa, saw in aynu is waydiino maaha?. Maamulkii Cabraxmaan Axmed Cali , ina cigaal iyo Riyaale marnaba may dhicin, taasi waxay daliil u tahay in ay askar-tani ay yihiin kuwa ka faa'iidda colaadda beelaha gaara ee isu kaashaday. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waa in uu tagaa oo is casilaa ama xilka laga qaadaa Geenyo Shaaximan, haddii in uun waan-waan iyo nabad laga rabo colaadda ka taagan jiidaas Ceel-Af-weyn, waa bilaa aqoon iyo garasho la'aan, caqlina ma laha uu wax ku fahmo, ee Raggii ma adigaa ka hadhay baa ku shaqaysta, waa ka wadda waxan oo dhan, markaas baa la leeyahay muxuu wax uga qaban waayey? Saw waali iyo badh maaha, iyo weliba maskax la'aan? jeer oo laga takhaluso isaga iyo askariga Meesha bood-boodaaya, dagaal-kani mid is taagaaya maaha, waayo iyaka baa wadda, rabanna in la isku rogmado, siyaasad iyo tallo kale ma laha, waa haddii daacad laga yahay beenta dadka lagu lugoy-naayo, ugu yaraan waa in laga xayuubiyo xilka Geenyo shaaximan, oo qof caqli leh iyo basar, lagu bedelo, inkasta oo aanan ku ogayn Kulmiye, qof xil kas ah ee uu yahay ciil ururay.
* N.N Eesha Kii Dhigay U Ashtakoo-tooay.
Qore:- Abdi-Shotaly
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!