Ethiopian Airline Oo Joojisay Xidhiidhkii Ganacsi Ee U Dhaxeeyey Shirkada Boeing 737 Iyo Xog Cusub Oo La Helay

0
Monday March 11, 2019 - 17:31:44 in News by
  • Visits: 3427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopian Airline Oo Joojisay Xidhiidhkii Ganacsi Ee U Dhaxeeyey Shirkada Boeing 737 Iyo Xog Cusub Oo La Helay

    aybtii madoobayd ee codkana duubta ee diyaaradii Ethiopian Airlin ee burburtay ayaa la helay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

aybtii madoobayd ee codkana duubta ee diyaaradii Ethiopian Airlin ee burburtay ayaa la helay.

Addis Ababa(HWN):-Qaybtii madoobayd ee codkana duubta ee diyaaradii Ethiopian Airlin ee burburtay ayaa la helay.



sida ay ku warantay warbaahinta Fana ee dawlada Itoobiya,maamulka shirkada Ethiopian Airline ayaa shaaciyey in baadhitaan dheer ka dib ay heleen qaybtii madoobayd ee diyaaradii burburtay, iyada oo lagu dhawaaqay go’aan laga qaatay xidhiidhkii ganacsi ee u dhaxeeyey shirkada Ethiopian Airline iyo shirkada diyaaradaha samaysay ee Boeng.



War ka soo baxay maamulka shirkada Ethiopian Airline ayaa lagu yidhi "ka dib baadhis waxay kooxdii baadhitaanka waday ay heleen qaybta madow ee diyaaradii ku burburtay magaalada Addis Ababa agteeda daqiiqado ka dib markii ay ka kacday garoonka, waxaana haatan la helay rikoodhkii diyaarada (Digital Flight Data Recorder (DFDR) iyo qaybtii codka duubaysay.”


Sidoo kale warka ayaa intaas sii raaciyey "Sababta burburka diyaarada waxaanu u malaynaynaa in laga helo doono qaybta madow ee xogta ururisa.”


Maamulka shirkada Ethiopian Airline ayaa sidoo kale shaaciyey inay hakiyeen xidhiidhkii ganacsi ee ay la lahaayeen shirkada diyaaradaha samaysay ee Boeing 737 ka dib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay duleedka Addis Ababa”


Shilkan diyaaradeed ee ku dhacay nooca diyaaradaha ee loo yaqaano 737 Max 8 ayaa ah kii labaad ee mudo shan bilood gudahood ah ku dhaca diyaaradaha ay shirkadaasi soo saartay.

Loading...
Loading...