Shacabka MUQDISHO oo qaati ka taagan xaalad soo korortay, kadib markii…

0
Thursday March 21, 2024 - 13:42:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka MUQDISHO oo qaati ka taagan xaalad soo korortay, kadib markii…

    Degmooyinka ugu badan ee ay cabashada kasoo yeereyso..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmooyinka ugu badan ee ay cabashada kasoo yeereyso..



Magaalada Muqdisho waxaa mar kale kasoo cusboonaaday kooxo burcad ah oo dhibaato ku hayo shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


 

Shacabka ayaa qaati ka taagan kooxo oo ku hubeysan qoryaha fudud, bistoolado iyo mindiyo, kuwaas oo dhac, dil iyo dhaawac u gaystay dadka rayidka ah.



 

Inta badan dhibaatooyinkan ayaa dhaca xilliyada habeenkii ah, gaar ahaan kadib saaladdda Taraawiixda, maadaama lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.


 

Degmooyinka ugu badan ee ay cabashada kasoo yeereyso ayaa waxaa kamid ah Kaxda, Dharkenley, Wadajir, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ka wada tirsan Banaadir.


 

Falkii ugu dambeeyay ayaa xalay ka dhacay degmada Cabdicasiis, kadib markii rag burcad oo watay dariiska ciidamada dowladda ay dhac ka gaysteen gudaha degmadaas.


 

Sidoo kale waxaa isku dhacay burcadda iyo ciidamada NISA oo howlgal ka waday halkaas, waxaana goobta lagu dilay mid kamid ah burcadda, halka mid kale la dhaawacay.


 

Cabashadan ayaa sidoo kale toos loogu gudbiyay mas’uuliyiinta gobolka Banaadir oo iyaguna maalmihii u dambeeyay u kuurgalaya xaalada ammaan ee soo kordhay.


 

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa jawaabta laamaha ammaanka ee dowladda, maadaama horay ugu guuleysteen wax ka qabashada amniga caasimada Muqdisho.

Loading...
Loading...