Dhaqmada Fiican Iyo Aragtida Bulshada!

0
Thursday March 21, 2024 - 10:39:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqmada Fiican Iyo Aragtida Bulshada!

    In dadka kale ceebahooda aad aragto taasi oo keenaysaa..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In dadka kale ceebahooda aad aragto taasi oo keenaysaa..



Dr. Perpetua Neo oo ah dhakhtar dhanka cilmi-nafsiga ah ayaa sheegtay in Dhammaanteen aynu leenahay caadooyin khariban iyo fikrado khaldan. Kuwaasi oo waxyeelo u geysanaya dhegaha dadka kale, waxaana ay inaga dhigtaa kuwo faafinaya nacayb iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda. Waxaa kale oo ay tidhi " waa in aynu nafteena baraa sidii aynaan weedhaha dadka ugu dhibin”. Waxaana ka mid ahaa caadooyinka xun ee ay tahay in la iska ilaaliyo:



 

In dadka kale ceebahooda aad aragto taasi oo keenaysaa inay kaa niyad-jabaan sidaa darteed joogitaankaaga way dhibsanayaan, maadaama ay daqiiqad kasta kaa filan karaan inaad ceebtooda banaanka keento.


 

Inaad markasta wado weedhaha waa la yidhi iyo beeno aan jirin waxay kaa dhigaysaa qof la karaahiyaysto.

 

Inaad qofka kasta dacaayadayso oo aad xaqirto, waxay kaa dhigata qof badi dadku neceb yihiin.


 

Maxaa yeelay dacaayadda ayaa inteeda badani ay tahay been iyo buunbuunin aan jirin. Ogow in hadalka yari uu yahay xikmad ay dadku kugu jeclaan karaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...