Wefti Ka Socda SOMALILAND oo Taiwan Kaga Qayb Galay Bandhiga Horumarinta Magaalooyinka.

0
Thursday March 21, 2024 - 10:29:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda SOMALILAND oo Taiwan Kaga Qayb Galay Bandhiga Horumarinta Magaalooyinka.

    Gebo'gabadii dalka Taiwan ayaa ah dal ay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gebo'gabadii dalka Taiwan ayaa ah dal ay Somaliland




wefti ka socda dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa ayaa dalka Taiwan


 

Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Taipei ee dalka Taiwan, shirweynaha caalamiga ah ee loo yaqaano "Smart Cities Summit and Expo”, kaasi oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socday dawladda hoose Caasimadda Hargaysa oo ka koobnaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta & Horumarinta dawladda hoose Khadar yuusuf Cali, Xildhibaan Yaasin Cumar Cabdi iyo Xil Jamaal Cismaan C/Laahi.



 

 

Bandhigan caalmiga ah oo muhiim u ah is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha ku saabsan horumarinta magaalooyinka, ayaa waxaa kasoo qaybgalay wakiillo ka socda magaalooyin kala duwan oo dunida ah, shirkado caalami ah oo ku hawlan samaynta technologi Casri ah, khuburo & xeeldheerayaal kala duwan oo ka kala yimi daafaha dunida.


 

 

bandhigan ayaa diiradda saaraya iskaashiga, wadaagista hal-abuurka, iyo dardargelinta hirgelinta xalalka technologiyadd sare leh si loo wajaho caqabadaha ka jira magaalooyinka aduunka, isbedelka cimiladda, yaraynta wasakhawga hawadda, cagaarinta & casriyeynta magaalooyinka caalamka.


 

 

Gebo’gabadii dalka Taiwan ayaa ah dal ay Somaliland leeyihiin xidhiidh iskaashi, mid waxbarasho iyo mid dhaqaale intaba,kaasi oo ay iska kaashadaan arrimaha dhaqan dhaqaale ee labada dhinac,safarka wetiga ayaa sidoo kale ka mid ah wada shaqaynta labada dal ee arrimaha horumarka.

Loading...
Loading...