Harraadka Ramadaanka, Hadh La'aanta Hooyooyinka iyo Hirdanka Nolosha

0
Thursday March 21, 2024 - 10:23:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Harraadka Ramadaanka, Hadh La'aanta Hooyooyinka iyo Hirdanka Nolosha

    Inta aan jidka socdo way yar yihiin dadka lugaynaya sidayda,..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aan jidka socdo way yar yihiin dadka lugaynaya sidayda,..



Wakhtigu waa Ramadaan iyo bishii Maarso oo is galay, sida caadada ah bisha sannadka ugu kulul waa Maarso, waxaan u soo baxayay xagga shaqada balse cadceeda oo kulayl la soo baxday darteed, waxaan isku qanciyay in aan sii maydho oo aan nafta qabiijiyo.


 

Markii aan salaadii duhur tukaday ee aan hawlahaygii shaqo dhamaystay ayaan u jihaystay in aan xaafadaydii ku noqodo si aan milicda cadceeda uga yara gabado, balse wakhtiga oo kulul waxa aan waayay bas aan raaco, waxaana i qabsatay in aan kulkaasi u lugeeyo xaafadii.



 

Inta aan jidka socdo way yar yihiin dadka lugaynaya sidayda, oo bulshadu kulaylka daran ee qoraxda ayay ka wada gabadeen, waxaan wardiga u sii hayaba oo aan jidka lugta ku sii xajiyaba, waxa aan ku soo baxay Hooyo kalideed meel fadhida oo geed yar ka hoos gashay milicda cadceeda balse gamaday oo huruda.


 

Cabaar haddii aan socday indhahaygu waxa ay qabteen hooyooyin badan oo si teel teel ah u fadhiya kaabado hadhkoodu gaabtay oo cadceedu ka wareegtay, isla markaasina labadii is fahamsani ay wada sheekaysanayaan, qaarna ay kali kali u fadhiyaan waxa ay sugayaana aanay ogayn inay helayaan iyo in kale balse ay cindiga ku hayaan inay helaan.


 

Goobtu waa aaga Garoonka Xawaadle oo ay hooyooyinkan si maalinle ah u soo fadhiistaan gidaarada ka ag dhaw garoonka, halkaasi oo ay ku sugaan cid ay dhar u soo maydhaan ama ay guri u soo masaxaan, lagana yaabo sidii ay ku yimaadeen saaka subax inay guryahoodii aanay ugu laaban.


 

Hooyooyinkan wax ka muuqday wajiyadooda murugo iyo rajjo xumo, haddana ay ku qanacsan yihiin fadhiga gidaarkaasi ay ku sugayaan in Raxmaanku ka kiciyo.


 

Waa hooyo soo fadhiistay saaka subaxdii hore oo laga yaabo inay ka soo kalahday 10 caruur ah, oo ka sugaya waxa ay cunaan iyo dharkii ciidka oo inta la jaarka ah wakhtiyadan oo kale suuqyada lagu wareejiyo si ay u soo doortaan dharka ay ku ciidi lahaayeen, sidoo kale waa hooyo sooman oo faralka waajibka ku ah ku oogta gidaarka ay ku sugayso dhar maydhka iyo wixii hawl maalmeeda ee ay si joogta ah u qabato, inta cadceedu wareegayso waxa ay isku martaa intaasi oo gidaar si ay uga gabato falaadhaha daran ee cadceeda, way ilawday dhibta iyo dar xumada ka muuqata nafteeda, balse waxa ay jihaad ugu jirtaa sidii ay u heli lahayd waxa ay kula noqoto carruurteedii.


 

Intayada dariiqa maraysaa kaliya waxa aanu awoodnaa in aanu u ducayno, iskana dhaafno, mar haddii wax aanu ku biirin karnaa aanay jirin, waxaanad moodaa in damiirkii iyo damqashadii Bani’aadanimo ay naga wada dhimatay, waanay yartahay in qof ku baydho oo uu xataa afur waxa ay siistaan la wadaago.


 

Haddii aynu waxa kale u awoodi wayno aynu ka farxino kuwa ay u soo kalahayaan ee ay guryaha kaga imanayaan iyaga oo aan ogayn wax ay kula soo noqon doonaan, waa bil barakaysan, waana la isku keen eegayaa sida aynu iskula dhaqano, waana fursada uu qof kastaa hooyadaa milicada fadhida uu kaga farxin karo.


 

Gaba-gabadii hooyooyinkani waa muwaadiniin duruufaha nolosha, shaqo yarida iyo hal abuurta la’aanta dalka ka jira ay guriyahoodii ka soo saareen, waxa loo baahan yahay in laga wada hawlgalo sidii hooyooyinkan loogu sameynlahaa shaqo abuur ay kaga maarmaan gidaarada darxumada iyo daranyadu ku dilayso.

Loading...
Loading...