Guriga afhayeenka baarlamaanka Koonfur Afrika oo la weeraray.

0
Thursday March 21, 2024 - 10:06:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guriga afhayeenka baarlamaanka Koonfur Afrika oo la weeraray.

    "Gudoomiyaha baarlamaanka wuxuu si joogta...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gudoomiyaha baarlamaanka wuxuu si joogta...



Cutubyo caan ah oo ka tirsan booliiska Koonfur Afrika ayaa weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha baarlamaanka ee Johannesburg, Nosiviwe Mapisa-Nqakula, kaddib eedeymo musuqmaasuq.


 

Waxaa lagu eedeeyay in ay laaluush ka qaadatay qandaraasyo ay bixisay markii ay ahayd wasiirka gaashaandhigga.



 

"Gudoomiyaha baarlamaanka wuxuu si joogta ah u beenineyey eeda, ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay baarlamaanka. Booliiska galay guriga ayaa amar ka haysta ydacwad oogayaasha dowladda ee baadhitaan waday.


 

Bayaanka ka soo baxay baarlamaanka ayaa lagu sheegay in gudoomiyuhu la shaqeeyey isla markaana uu guriga ku soo dhoweeyey waxa uu baadhitaankau socday shan saacadood.


 

Nosiviwe Mapisa-Nqakulaoo 67- jir ah waxay ka tirsaneyd halgankii lagaga soo horjeeday midab-takoorka, waxa ay noqotay afhayeenka baarlamaanka 2021-kii, ka horna waxa ay ahayd wasiirka gaashaandhigga muddo 7 sano ah.


 

Mudadii ay ku jirtay jagadaas, Ms Mapisa-Nqakula ayaa lagu eedeeyay in ay dalbatay lacag dhan $120,000 (£96,000), oo ay ka heshay mulkiilaha shirkad si ay u helaan qandaraas lagu soo daabulo qalabka ciidanka Koonfur Afrika oo laga keeno meelo kale oo qaaradda ah. Wargeyska Business Day ayaa qoray .


 

Cyril Ramaphosa ayaa madaxweyne noqday 2018-kii isaga oo ballan qaaday inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa dalka ka jira. Madaxweynihii isaga ka horreeyay, Jacob Zuma, ayaa lagu eedeeyay inuu kormeeray dadaal ballaadhan oo lagu weecinayay hantida dowladda, in kasta uu beeniyey eedeymaha.


 

Ms Mapisa-Nqakula lafteedu waxay aaminsan tahay in "musuqmaasuqu uu khatar weyn ku yahay mabaadi’da dimoqraadiyadda iyo dawlad wanaagga”, ayuu yidhi baarlamaanka.


 

"Sidaa darteed, aad bay u dhibsatay eedaymaha.”


 

Qoraal kooban oo ay soo saartay Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa lagu xaqiijiyay howlgalka lagu baadigoobayay, balse ma jirto faah faahin kale oo ka soo baxay, mana aanay sheegin xilliga iyo in wax dambi ah lagu soo oogi doono.

Loading...
Loading...