"Ma bixinayo wax raaligelin ah" Madaxweynaha Senegal Macky Sall.

0
Thursday March 21, 2024 - 10:03:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ma bixinayo wax raaligelin ah" Madaxweynaha Senegal Macky Sall.

    "Ma jirto wax raali-gelin ah oo aan ka bixinayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jirto wax raali-gelin ah oo aan ka bixinayo,



Madaxweynaha xilliga la degaya ee Senegal Macky Sall ayaa sheegay in aanu ka qoomamayn isku daygii uu ku doonayay in uu dib u dhigo doorashada muddo sanad ee uu ku dhaqaaqay bishii hore taas oo laga diiday wuxuu sidoo kale diiday inuu arrintaa ka bixiyo raali gelin maadaama ay ka dhasheen mudaaharaadyo ay dad ku dhinteen.



 

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu Mr Sall wuxuu ku sheegay in go’aanka dib u dhigista codeynta aanu ahayn mid hal dhinac ah, balse ay la xidhiidho walaac dhanka doorashada ah oo ay soo jeediyeen xubnaha baarlamaanka.


 

"Ma jirto wax raali-gelin ah oo aan ka bixinayo, ma jirto wax khalad ah oo aan galay, waxaan kuula hadlayaa aniga oo ah madaxweynihii dalka, dhammaan tallaabooyinka la qaaday waxa ay ahaayeen kuwo sharciga iyo nidaamka u degsan,” ayuu yidhi Madaxweyne Sall. Waxa uu intaa ku daray inuu isagu fulinayey go’aanka baarlamaanka.


 

Qorshihiisa dib u dhaca doorashada oo horseeday isku dhacyo rabshado wata iyo xiisado siyaasadeed oo dalka oo dhan ka dhacay, ayaa waxaa ugu dambeyn laashay maxkamada sare ee dalka.


 

Doorashada ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta Axadda ah ee todobaadka danbe ka dib markii uu ku guul darreystay olole lagu doonayay in lagu riixo bisha December.


 

Dadka dhaleeceeya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu isku dayay inuu kordhiyo sii joogida xukunka.

 

Laakiin Mr Sall ayaa ku adkeysanaya in aanu sii joogi doonin maalin ka badan xitaa haddii codeynta Axadda aanay soo bandhigin guuleyste toos ah.


 

Toddobaadkii hore, hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka iyo mid ka mid ah dhaleeceynta ugu kulul ee Mr Sall Ousmane Sonko iyo musharaxa madaxweynaha ee xisbigiisa Bassirou Diomaye Faye ayaa laga sii daayay xabsiga iyada oo uu cafis madaxweyne u fidiyay.


 

Madaxweyne Sall waxa uu beeniyay in eedaha ka dhanka ah dadka ay isku hayaan ay ahaayeen kuwo siyaasadaysan. Waxa uu xilka ka degaya ka dib markii uu laba jeer oo uu xilka hayay. Xisbiga isbahaysiga talada haya ee Benno Bokk Yakaar (BBY) ayaa u doortay Amadou Ba oo 62 jir ah inuu u tartamo madaxtinimada.

Loading...
Loading...