Wax ka ogow saameynta caafimaad ee cuntada lagu kululeeyo microwave-ka.

0
Thursday March 21, 2024 - 09:57:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka ogow saameynta caafimaad ee cuntada lagu kululeeyo microwave-ka.

    Laakiin dood kale ayaa jirta taa oo la xiriirta, goorma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laakiin dood kale ayaa jirta taa oo la xiriirta, goorma



Ma jiraan wax khatar ah oo la diiwa geliyay mark ay noqoto shucaaca microwave-ka ama kululeeyaha, laakiin waxaa jira walaac caafimaad oo ku saabsan kululaynta balaastikada ama waxyaabaha caagagga ah ee wax lagu kululeysto. Waa kuwan waxa cilmi baaristii ugu dambeysay ay ka sheegtay sida badbaadada loogu qabi karo cunnada lagu kululeeyo microwave-ka.



 

In kasta oo ay tahay mid kamid ah muhiimadda jikada tobannaan sano, waxaa lagu ammaanaa naf badbaadiyaha kuwa aan xilli walba wax Karin Karin.


 

Laakiin dood kale ayaa jirta taa oo la xiriirta, goorma ayuu microwave-ku xun yahay?


 

Marka si sax ah loo isticmaalo, ma jirto wax laga walwalo marka la eego shucaaca microwave-kaaga, sida ay sheegeen Ururka Caafimaadka Adduunka. Laakin welwelka kale ma cadda oo ay ku jiraan in cunnada mikrowaving-ku ay keento nafaqo xumo, ama in cuntada kuleylinta caagga ay dhalin karto dhibaato hormoon.


 

Cunnada microwave-ku ma burburisaa nafaqada?

 

Cilmi baarisyada qaar ayaa muujiyay in khudaartu ay ka lumaan qayb ka mid ah qiimaha nafaqada ee microwave-ka.


 

Tusaale ahaan, microwave-ka ayaa la ogaaday in ay ka saarto 97% ee faa’iidooyinka loo yaqaanno flavonoids-ka.


 

Laakiin foornada caadiga ah waxay noqon kartaa mid ka xoog badan microwave-ka. Daraasad 2020-kii la sameeyay ayaa is barbardhigtay heerarka nafaqeynta ee cunto diyaarsan oo la qaboojiyey oo lagu kululeeyay microwave, iyo isla cunnada lagu kariyey foornada caadiga ah. Cilmi baarayaashu waxay ogaadeen in farqiga kaliya ee u dhexeeya labada cunto ee ay tahay in microwave-ka mid ka mid ah uu hayo "wax yar" oo fitamiin C ah.


 

Mid ka mid ah daraasadihii 2019-kii ee eegaysa luminta nafaqeynta khuadaarta loo yaqaanno broccoli ee microwave-ka la geliyo ayaa tilmaantay in daraasadihii hore ay kala duwanaayeen waqtiga karinta, heerkulka, iyo haddii khudaartan ay weli qoyaan leedahay.


 

Laakiin ma jirto jawaab toos ah oo ku saabsan in khudaarta uu microwave-ka ay sii hayn doonaan nafaqooyin badan oo hab kasta oo kale ah. Taasi waa sababta, cunto kasta way ka duwan tahay marka loo eego nuxurka iyo nafaqooyinka ku jira.


 

Kuleylinta balaastikada microwave-ka khatar ma tahay?

Waxaan badnaa isticmaalaa saxamada ama baaquliyaasha ka sameysan caagga xilliga aan wax kululeyneyno, laakiin saynisyahannada qaar ayaa ka digaya khatarta ah in kuleylku nuugo caagga. Marka kulaylku gaaro caagga waxa ku shiilmi karaa ama waxyaabo gudihiisa Kujira ay ku milmi karaan cunnada.


 

"Qaar ka mid ah balaastiig looguma talagelin microwave-yada sababtoo ah waxay ku dhex milmi karaan cunnada, kuwaas oo dhalaali kara” ayuu yiri prof, Juming Tang.


 

Daraasad 2011-kii, cilmi-baarayaashu waxay soo iibsadeen in ka badan 400 oo weel oo caag ah oo loogu talagalay inay ku jiraan cunto, waxayna ogaadeen in badi kiimikooyinka ay soo daayaan ay yihiin kiimikooyinka saameeya hormoonnada.


 

Dadku waxa ay kala kulmi karaan xanunno, waxa ay kordhin kartaa cadaadiska dhiigga iyo iska caabbinta insulin-ta, taas oo kordhin karta khatarta cudurrada dheef shiidka.


 

Tani, cilmi baarayaashu waxay yiraahdeen, waxay u horseedi kartaa kansarka, saameynta hoormoonka, arrimaha bacriminta waxayna sidoo kale waxay saameyn kartaa habka difaaca jirka. Laakiin, waxay ku soo gabagabeeyeen, cilmi baaris aad u badan ayaa loo baahan yahay in la sameeyo.


 

"Microwaving waxay abaabushaa wasakhaha," ayuu yiri Prof Rolf Halden, oo ah maamulaha Xarunta Biodesign ee injineernimada caafimaadka deegaanka ee Jaamacadda Gobolka Arizona. "


 

Waxaa muhiim ah in la xasuusto, marka cuntada lagu kululeeyo weel balaastig ah, soo-gaarista sidoo kale waxay ku dhici kartaa baco aan taaban cuntada, sida daboolka.


 

"Biyuhu waxay u kacaan sida uumiga cuntada, ka dibna waxay isku ururaan qaybta hoose ee daboolka, kiimikooyinka laga soo saaray daboolka ayaa markaa ku dhacaya cuntadaada, oo ku jira dhibcaha uumiga," Halden ayaa yiri.


 

Siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu yareeyo khatarta waa in la isticmaalo walxo kale oo ammaan ah oo aan ahayn balaastiig, sida weelasha ka sameysan dhoobabka.


 

Cunto karinta ama ku kululaynta mikrowave ma badbaado baa?

 

Xitaa haddii aad iska ilaaliso balaastigga, waxaa jira khataro kale oo suurtagal ah oo ku saabsan kuleylinta cuntada microwave-ka oo ay ku jiraan kuleylka aan sinnayn, iyo heerkulka sare ee la isticmaalo.


 

Marka hore, u diyaar garow inaad isticmaasho microwave-ka si aad dib ugu kululeyso cunnada, halkii aad ka karin lahayd, sababtoo ah waxaa laga yaabaa in uu u kariyo si aan sinnayn. "Iyada oo ay ku xiran qaybta cuntada kululaysa," ayuu yiri Francisco Diez-Gonzalez, oo ah barafsoor ka howlagala badbaadada cuntada ee Jaamacadda Georgia.


 

Laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado in dib u kululaynta cuntada ay la imaanayso khataro. Cuntada waa in la kululeeyaa ilaa ay ka gaarto 82C (176F) si loo dilo bakteeriyada waxyeelada leh maadaama ay bakteeriyadu wali kori karto mar kasta oo cuntadu qabowdo, taas oo ka dhigeysa in aad dib u kululeyso.


 

Heerkulka sare ee microwave-ka waxa kale oo uu keeni karaa xoogaa khatar ah. Guud ahaan, heerkulka sare ma aha dhibaato, laakiin waxaa jira cilmi baaris soo jeedineysa in qaar kamid ah cunnada aan lagu karin karin microwave-ka, oo ay ku jiraan badarka iyo khudradda qaar.


 

Badbaadada shucaaca ama kuleylka kasoo baxaya kululeysada

Xagga shucaaca ku jira mikrowave-yada, gabi ahaanba wax dhib ah ma laha. Microwave-yadu waxay adeegsadaan shucaaca elektromagnetic-ka ee soo noqnoqda kaas oo ka hooseeya isla nooca loo isticmaalo nalalka layrarka iyo raadiyaha. Marka aad cuntada geliso microwave-ka, waxa ay nuugtaa qoyaanka, taas oo keenta in ay isku dhacaan oo kululeeyaan cuntada.


 

"Microwaves-ka waa qayb ka mid ah mowjadaha elektromagnetic-ka ee aan la kulanno maalin kasta. Markaad dubto rootiga, waxaad la kulmi doontaa hirarka elektiroonigga ah iyo tamarta ee kuleyliyaha foornada. Xataa dadku waxay isweydaarsadaan hirarka shucaaca ee midba midka kale," ayuu yiri Tang. .


 

"Haddii aad cunayso dalagyo ka soo baxa iftiinka qorraxda, waa inaadan ka welwelin cuntada microwave-ka."

 

Walaaca ku saabsan shucaaca microwave-ka ayaa si weyn loo hadal hayay sannadihii lasoo dhaafay kadib markii foornada microwave-ka markii ugu horreysay la allifay, ayuu yiri Jorgenson.


 

Gaar ahaan, cilmi-baarisyo badan oo ay sameeyeen saynisyahanno ka tirsan Natick Research and Development Laboratories ee Massachusetts, US, oo ku gadaaman badbaadada microwave-yada, taas oo wax badan ka tartay welwelka.

isha bbc/somali
Loading...
Loading...