Xisbiga Waddani Oo War Ka Soo Saaray Kulan Musharax Cirro & Muuse Dhexmaray Maanta

0
Wednesday March 20, 2024 - 21:41:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo War Ka Soo Saaray Kulan Musharax Cirro & Muuse Dhexmaray Maanta

    "sida oo kale waxa ay isla meel dhigeen dhiggooda in la soo celiyo hannaankii "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"sida oo kale waxa ay isla meel dhigeen dhiggooda in la soo celiyo hannaankii "



Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa uu maanta kulan Madaxtooyada kula qaatay Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda oo Wasiirro ah, Kulankan waxaa ku wehelinayey Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi Iyo Siyaasiga weyn ee Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga Iyo Xoghayaha gaarka ah ee Murashaxa Mudane Cabdilqaadir Saalax Iidle.



Kulankan oo uu qaban-qaabadiisa lahaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo dhawaan isu xilqaamay sidii dalka Jamhuuriyadda Somaliland uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinkii isku sidkanaa isla markaana dhammaan daneeyayaashu doorashooyinkana uga wada-shaqeyn lahaayeen qabsoomiddooda.


Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr Cirro waxa uu  Madaxweyne Biixi Iyo Hoggaankiisa Xisbiga KULMIYE u sheegay In Jamhuuriyadda Somaliland ay ku soo caano maaashay degannaan, nabadgelyo iyo dhabo doorasho oo ku dhisan hannaanka dimuqraadiyadda taas oo u baahan in halkii laga sii ambaqaado laguna faro-adaygo, isaga oo xasuusiyey in Xisbiga WADDANI uu muddaba u taagnaa in dalkani ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah isla markaana Xisbi ahaan ay u diyaar garoobeen una taagan yihiin in Shacabku gegida dimuqraadiyadda uu garsoore ka noqdo una ooman yihiin reer Somaliland in helaan xuquuqdoodii doorasho. 


Murashaxa & Hoggaanka Xisbigu waxa ay sida oo kale xuseen in Jidkii doorashooyinka la qaaday isla markaana la wada xaliyey dhammaan caqabadihii ku gedaamnaa hannaanka doorashooyinka, Shacabkuna ay isu diyaarinayaan u diyaar garowga doorashooyinka isku sidank ee muddeysan November sannadkan 2024, sida oo kale waxa ay isla meel dhigeen dhiggooda in la soo celiyo hannaankii wada-shaqeynta Axsaabta Qaranka, lagana sii ambaqaado in kulamo dambe oo howleed la isugu yimaaddo si loo jeexo jidka ololaha doorashooyinku innoogu dhacaa oo bilaa turxaan. 


Murashaxa iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI waxa ay u mahadcelinayeen Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaal Kaahin oo wakhtigiisa ku bixiyey isla maarkaana dedaal badan geliyey in daneeyayaashu isa soo hor-fadhiistaan isla markaana ka wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.


Ugu dambeyn, Murashaxu waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in wada-jir, midnimo, nabadgelyo, xasillooni ugu duyaar garoobaan doorashooyinkii isku sidkanaa.
Loading...
Loading...