KULMIYE oo Kulan la Qaatay Guddiga Heshiiskii Is-afgarad ee Somaliland & Itoobiya.

0
Wednesday March 20, 2024 - 13:28:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE oo Kulan la Qaatay Guddiga Heshiiskii Is-afgarad ee Somaliland & Itoobiya.

    "isla markaana waxa la is-waydaarsaday talooyin kala duwan oo la xidhiidha arrinta heshiiska."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"isla markaana waxa la is-waydaarsaday talooyin kala duwan oo la xidhiidha arrinta heshiiska."


Hargeysa (HWN)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa shir kula yeeshay Guddiga Farsamo ee heshiiskii Is-afgarad ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.



Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad, ahna Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane, Saleebaan Cali Koore iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga, Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxay kulan is-xogwaraysi ah la yeesheen xubnaha Guddiga Farsamo ee Madaxweynaha Qaranku u igmaday dhammaystirka heshiiskii Is-afgarad (MOU) ee Somaliland iyo Itoobiya.
Xubnaha Guddiga Farsamo, waxay xog-warran faahfaahsan ka siiyeen hoggaanka xisbiga hawlahooda shaqo iyo waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay, isla markaana waxa la is-waydaarsaday talooyin kala duwan oo la xidhiidha arrinta heshiiska.


Dhankooda hoggaanka KULMIYE, waxay u caddeeyeen Guddiga taageerada xisbigu u hayo heshiiska is-afgarad ee dhexmaray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay tilmaameen muhiimada uu u leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda iyo sida loogu baahan yahay inuu noqdo mid midho-dhala oo loo beddelo heshiis rasmi ah.


Waxa kaloo hoggaanka xisbiga KULMIYE ku hambalyeeyeen Guddiga Farsamo hawlaha shaqo ee ay hayaan, waxaanay ku booriyeen in ay sii wadaan kulamada xog-urursiga ah ee ay la leeyihiin qaybaha bulshada ee kala duwan.

Loading...
Loading...