Jamaacada Tabliiqa

0
Wednesday March 20, 2024 - 13:34:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaacada Tabliiqa

    Waa Taas Dacwadda Tabliiqu Kii Diidaya Iyo Kii..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Taas Dacwadda Tabliiqu Kii Diidaya Iyo Kii..



Waxaan Filayaa In Uu Ku Rumoobayo Jamaacada Tabliiqa Hadalkii Saciid Binu Musayab: "Ma Jiro Caalim, Shariif Iyo Mid Wanaag Leh Oo Aan Iin Lahayn. Ha Ahaatee, Waxa Jira Birimagaydo Aan La Xusin Xumaantooda, Qofka Uu Wanaaggiisu Ka Bato Xumaantiisana, Iintiisa Iyo Ceebtiisa Ayaa Shiiqa"


Haddaba, Aniga Oo Aan Caddaaladda Ka Tegayn, Isla Markaana Dhiirrigelinaya In Laga Qaato Wixii Wanaag Ah, Qoraalkan Waxaan Ku Soo Koobayaa Labaatan Sifo Oo Ay La Gaar Yihiin Jamaacada Tabliiqa Oo Dedaal Badan Ku Bixiya Hagaajinta Iyo Hufidda Qalbiyada, Iyo U Shaqaynta Islaamka.



1- Isku Tashi Iyo Iskaa Wax U Qabso: Jamaacada Tabliiqu Astaamaha Ay Filkeed Ku Dhaaftay Waxa Ka Mid Ah Ka Maaranka Wax-Wayddiisiga Madaxda, Ganacsatada, Samafalayaasha Iyo Dawladaha. Qodobkani Waa Midka Keenay Xorriyadda Iyo Sharafta Ay Ku Naaloonayaan Iyo In Aanay Isku Qabsan Hantida.


2- Nafhur: Jamaacada Tabliiqu Waxay Ku Dhiirratay In Ay Buuqato Xarumaha Xumaanta, Dabadeeto Waxa Ay Soo Saartay Dad Badan Oo Iskugu Jira Ducaad Iyo Culimo Caan Ah. Badanaa Xumaanfale, Khamriile, Taariku-Salaad Iyo Waalid-Caaq Uu Alle Sabab Uga Dhigay Oo Isku Beddelay Insaan Sharfan Oo Dadka Ugu Baaqa Wanaagga.


3- Tabliiqu Waxa Ay Sabab U Noqdeen In Uu Islaamku Ku Faafo Waddammo Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin: Jarmal, Faransiis, Biljam, Maraykan, Kanada, Koonfur Afrika, Kaymaha Afrika, Hindiya, Nebal, Jabbaan, Kuriya Iqb.


4- Waxa Ay Leeyihiin Manhaj Cilmiya Oo Ay Gundhig U Yihiin Qur’aanka Kariimka Ah Iyo Riyaadu-Saalixiin. Sidoo Kale, Waxay Aad U Akhristaan Kitaabka Xayaatu Saxaaba Oo Aad Iyo Aad U Sameeyay Noloshooda!


5- Kumanaan Jamaaco Oo Kala Af Iyo Dhaqan Ah, Isla Jeerkaasna Iskugu Jira Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Sida Culimo Iyo Caammo, Sabool Iyo Hodan Iyo Carruur Iyo Cirroole, Ayaa Ay U Kala Diraan Caalamka. Waxa Aan U Malaynayaa In Aanay Jirin Ururro Ama Dawlado Qaban Kara Shaqadan Iyaga Oo Aan Ku Bixin Malaayiin Dollar.


6- Kulammo Sannadle Ah Oo Ay Iskugu Yimaaddaan Kumanaan Kun Oo Qof Ayay Ku Qabtaan Waddamada Kala Ah: Baakistaan, Hindiya, Bangaladhesh Iyo Maleesiya, Iyaga Oo Aan Cidna Ka Helin Maalgelin Iyo Kaalmatoona. Waxa Cajiib Ah In Qof Kastaa Isku Qabo Dhaqaalaha Ku Baxaya Safarkiisa, Hungurigiisa, Hugiisa Iyo Caafimaadkiisaba. Runtii Kuma Dhiirran Karaan Dawladuhu In Ay Meel Qudha Iskugu Keenaan Kumanaan Kun Oo Qof Oo Kala Af Iyo Dhaqan Ah. Waana Arrin Aan Goobjoog U Ahaa!


7- Waxaan Bartay Ragga Ugu Waaweyn Oo Isku Jira Carab Iyo Cajamba. Qofkii La Dhaqma Ama Dhexgalaana Waxa Uu Dareemayaa Dedaalka Ay Ku Bixiyaan Camallada Qalbiga Sida Ikhlaaska Iyo Abaaldoonka. Metelan Kulammada Waaweyn Ee Ay Iskugu Yimaaddaan Kumanaanka Kun Ee Qof, Ma Jirto Warbaahin Soo Gudbisa, Wariyayaal Lagu Casuumo Iyo Muuqaallo Laga Duubaatoona. Sababta Oo Ah; Waxay Aamminsan In Ay Yihiin Is Xusuusin Iyo Xus Alle Oo Ay Ka Soo Qaybgasho Malaa’igtu.


8- Kumanaan Jamaaco Ayay U Kala Diraan Daafaha Caalamka, Kuwaas Oo Jamaca Iyo Jamaacaadka Ku Ooga Badda, Bannaanka Iyo Oogada Sare. Sidoo Kale Cidna Uma Dabafadhiistaan Muujinta Astaamaha Islaamka!


9- Dabacsanaantooda Iyo Dhaqankooda Suubban Ayay Ku Soo Jiiteen Caqliyada Da’yarta, Waayeelka, Madaxda Ka Talisa Waddamada Islaamka Iyo Kuwa Aan Islaam Ahayn, Iyo Caqliyada Culimada Iskugu Jirta Carab Iyo Cajam Oo Ay Ugu Horreeyeen Abu Xasan An-Nadawi Iyo Sheekh Jasaa’iri.


10- Si Aan Nasasho Lahayn Oo Ay Ku Dheehan Yihiin Dedaal, Daacadnimo Iyo Firfircooni Ayaa Ay Uga Hawlgalaan Goob Kasta Oo Kulmisa Dadweynaha Sida: Guryaha, Gaadiidka Dadweynaha, Garoomada, Maqaaxiyaha, Huteellada Iyo Beeraha Dalxiiska!


11- Ragga Qaar Baa Kaxaysta Xaasaskooda. Sidoo Kale, Qof Kasta Waxay U Diraan Halka Uu Ku Habboon Yahay!


12- Waxa Ka Tirsan Jamaacada Tabliiqa Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Sida: Barayaasha, Bahda Caafimaadka, Injineerrada, Ganacsatada, Xirfadlayaasha, Aqoonyahanka Iyo Caamada, Da’yarta Iyo Waayeelka, Qaybaha Kala Duwan Ee Ciidamada, Cuqaasha Iyo Ubadka Hodanka Iyo Saboolka. Shaqadanna Waxa Ay U Arkaan In Ay Tahay Shaqada Ugu Wanaagsan Ee Lagu Mashquulo.


13- Cidda Mucaaridda Shaqada Ay Hayaan, Iskuma Hawlaan Oo Waxa Ay Ka Soo Qaadaan In Aanay Aqoon Buuxda U Lahayn Dhabnimadooda. Waxa Ay Ka Sii Qaadaan Firfircooni Iyo Dedaal Ay Ku Bixiyaan Fidinta Dhaqanka Islaamka, Ruuxdiisa Iyo Qiyamkiisa Sare. Runtii Waa Astaan Inna Tusaysa Wanaagga Ay Hayaan, Iyo In Aanay Isku Hawlin Sidii Ay Uga Guulaysan Lahaayeen Cidda Ka Soo Horjeedda!


14- Jamaacada Tabliiqu Waxay Leedahay Dhaqan Suubban Oo Ay Kaga Duwan Tahayt Kooxaha Kale. Metelan: Xumaanta, Jahliga Iyo Aflagaadada, Waxay Ku Beddelaan Samafal, Adkaysi Iyo Hadal Wanaagsan. Sidoo Kale, Waxay U Dulqaataan, Isla Markaana Qalbi Furan Ku Soo Dhoweeyaan Cidda La Baxda Khuruujka. Waxaa Iyana Dheeraad Iyo Sharaf Ah Maamuusidda Iyo U Khidmaynta Dadka.


15- Qof Kasta Oo Ku Biira Jamaacada Tabliiqa Waxa Uu Ka Dhaxlaa Dhaqan Wanaagsan. Metelan Arki Maysid Qof Tabliiqa Ah Oo Cid Xamanaya, Aflagaadaynaya, Ka Digaya Ama Nacdalaya. Warka Oo Kooban Waa Jamaaco Afkooda Iyo Addinkoodaba Laga Ammaan Helay. Shaqadooduna Waa Sidii Dadka Loogu Xidhi Lahaa Abuurohooda, Waana Shaqadii Anbiyada Cs!


16- Kama Barakaystaan Qabriyada, Madaxda Iyo Hantidoodana Uma Hanqaltaagaan. Arrinkaa Lidkiisa Waxa Ay U Arkaan Addoomo Baahan Oo Sida Ay Iyagu Ugu Baahan Yihiin Naxariista Alle, Ugu Baahan.


17- Meel Kasta Oo Ay Joogaan Waxa Ay Kala Kulmaan Ixtiraam Iyo Qadarin. Arrinkanna Waxa Loo Aanayn Karaa Dhaqan Wanaagooda Iyo Astaamaha Diinta Ee Ka Muuqda. Sidaas Aawadeed Ayaad Arkaysaa Xitaa Gaaladii Oo Qadarinaysa!


18- Waxa Ay Soo Nooleeyaan Kaalintii Uu Masjidku Ku Lahaa Bulshada Dhexdeedaa Oo Ma Seexdaan Huteellada Qaaliga Ah. Sidoo Kale Waxa Ay Bixiyaan Hadyado Yaryar Sida: Kitaab Qur’aan Ah, Timir, Caday Iqb. Waxaan Isna Meesha Ka Madhnayn Qaddarinta, Kalgacalka Iyo Jacaylka Ay U Muujiyaan Dadka Kale!


19- Shaqooyinkooda Ugu Waaweyn Waxa Ka Mid Ah In Ay Soo Celiyaan Cammiriddii Masaajidda Oo Waxa Aad Arkaysaa Iyaga Xidhiidho La Samaynaya Muslinka Caasiga Ah Iyo Ka Toosan, Isla Markaana Ku Dhiirrigelinaya Camallada Masaajidda Sida: Ictikaafka, Xalqadaha Qur’aanka Iyo Ku Sugnaanta Masjidka.


20- Dacwadda Iyo La Hadalka Dadka Waxa Ay U Maraan Hab Deggan Oo Dabacsan Oo Uu Saldhig U Yahay Tusaalayn Iyo Sheekooyin Murti Badan Oo Soo Jeedasho Leh.


Guntii Iyo Gunaanadkii Waxa Aan U Malaynayaa In Ay Tahay Dacwad Waxtar Leh Oo Uu Alle Siiyay Qabuul, Isla Jeerkaasna Uu Reedkeedu Ka Muuqdo Dad Badan Oo Caan Ku Ahaa Xumaanta Iyo Alle Ka Fogaanshaha. Alle Ayaa Run Sheegay Markii Uu Lahaa: "Wixii Dadka Anfacaya Ayaa Hadhaya.”


Waa Taas Dacwadda Tabliiqu Kii Diidaya Iyo Kii Raalli Ku Noqonayow!


W/Q: Dr Saciid Binu Naasir Oo Maaddada Caqiiqada Hore Uga Dhigi Jiray Jaamacadda Boqor Khaalid, Ahna Xoghaya Guud Ee Naadiga Culimada.


Cabdixakiin Absiiye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...