Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanaadkii dugsiga sare.
Natiijada waxaa barbar socday ardayda kaalimaha ugu horreeya ilaa toban galay iyo iskuullada ugu wanagsanaa sannadkan.
Arday lagu magacaabo Khadar Saciid Saalax ,oo wax
ka dhiganayay dugsiga sare ee Boosaaso Public Secondary ayaa noqday ardayga
natiijada ugu sarreeysa ka keenay imtixaanka,sida ku cad warqada ay soo saartay
wasaaradda Waxbarashada Puntland boqolkiiba 98% ayuu ku qaaaday kaalinta isagoo
dhibco yar kaga guuleystay Asia Abdirisaaq Hersi oo wax ka barata degmada
Galdogob oo noqotay qofka labaad.
Imtixaanaadkii dugsiga sare oo muddo toddobaad ah socday ayaa 18kii bishii May, waxaa magaalada Garoowe ka daahfuray madaxweynaha Puntland, Siciid Deni , iyada oo si isku mid gobollada oo dhan looga fadhiistay.
Wasaaradda waxbarashada Puntland, ayaa xaqiijisay si nabadgalyo oo aysan dhibaato dhicin inuu imtixaanka ku soo gabagaboobay, maalmihii uu socday.