Madaxwayne Deni Oo Magacaabis Sameeyay.

0
Tuesday March 19, 2024 - 17:19:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Deni Oo Magacaabis Sameeyay.

    "Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo"



Garoowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.


Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay:  Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey: 

* Waxaa Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
 
-DHAMMAAD- 

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Loading...
Loading...