Muuse Biixi Oo Magacaabis iyo Xilka Qaadis Sameeyay.

0
Tuesday March 19, 2024 - 14:32:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Magacaabis iyo Xilka Qaadis Sameeyay.

    "waxaan go'aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan go'aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii "


Hargaysa (HWN)  Muuse Biixi ayaa xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha iyo Ku xigeenada Gobolada, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada Somaliland.



Waxaanu xilkii ka qaaday gudoomiyihii Gobolka Daadmadheedh Mukhtaar Cabdi Cabdilaahi iyo Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Togdheer Maxamed Nuur Cabdi.


Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer, ayuu Muuse Biixi ku yidhi Degreetada uu soo saaray.


Labadan Masuul ee uu xilka ka qaaday ayuu badelkoogii ukala magacaabay sidan.


1. In Cabdiraxiim Maxamed Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.


2. In Cabdi Xiis Yuusuf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...