Sidee ayaa uu Internet-ku u beddalay nolosha?

0
Tuesday March 19, 2024 - 11:10:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee ayaa uu Internet-ku u beddalay nolosha?

    Geesta kale, Internet-ku wuxuu ii suurtagaliyay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale, Internet-ku wuxuu ii suurtagaliyay..



Wuxuu beddalay nolosha oo dhan, inkasta oo isbedddalku mid togan iyo mid tabanba leeyahay.

Wuxuu keenay aqoon, guul, xorriyad, saaxiibtinnimo iyo madaddaalo.


Wuxuu abaar ka dhigay noloshayda. Wuxuu iga dilay waqtiga. Xoogaygii iyo tamarteytiiba waxaan ku bixiyay: video games, YouTube shortcuts iyo inaan ku foognaado fooldhigaalka(Facebook)



Geesta kale, Internet-ku wuxuu ii suurtagaliyay inaan la xidhiidho qoyskeyga meel kasta oo aan dunidda ka joogo, inaan is-helno saaxiib waqtigu na kala fogeeyay oo haddii aannu Internet jiri lahayn, ay adkaan lahayd in aannu kala-war-helno.


Internet-ku waa meel ay ka furan yihiin albaabo badan, sida nolosha oo kale.


Waa meel aad ku soo bandhigi karto, sheekooyin maankaaga ka guuxaya. Meel hal'abuurkaaga keeni karto. Waa meel ganacsigaaga ku xayaysiin karto. Waa meel, umuuro badan oo aan qalin lagu dhammeyn karin.....


Runtuse, waxaa ay tahay in Internet-ku yahay seef laba af leh, oo xagga wanaagsan haddii aad u adeegsato ay wacnaaneyso, balse si aan hagaagsaneyn haddii aad u adeegsatana, wuxuu noqon doonaa mid noloshaada god madow ku rida!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...