Maxay Tahay Sababta Ka Dambeysa Safarrada Is Daba Joogga Ah Ee Xasan Sheekh ku tagayo Eritrea?

0
Tuesday March 19, 2024 - 09:05:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Ka Dambeysa Safarrada Is Daba Joogga Ah Ee Xasan Sheekh ku tagayo Eritrea?

    "Ciidamada loo qaaday dalka Eritrea waala iibsaday oo wiilal ayaa naga maqan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidamada loo qaaday dalka Eritrea waala iibsaday oo wiilal ayaa naga maqan"


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea halkaa oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.



Labada hoggaamiye ayaa kawada hadlay arrimo xasaasi ah oo gobolka la xiriira iyo si gaar ah arrimaha labada dal.


Labada madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea , Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Afwerki uga warbixiyey dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaallanka Al-Shabaab.


Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan tababarka ciidamada Soomaaliyeed uga socda dalkaas iyo sidii loogu dhameystiri lahaa, si dalka dib loogusoo celiyo.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta gudaha ee waddanka la hadlay ayaa yiri,"Sida aad ogtihiin Eritrea iyo Soomaaliya waxa ay lahaayeen xiriir saaxibtinimo muddo dheer , Erétria waxa ay taageeraysay Soomaaliya awaana waddan aan wax dan ah ka lahay Soomaaliya oo aan ka ahayn walaalnimo iyo in ay taageerto Soomaaliya .


waxa aan halkan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha isbedellada iyo horumarka socdo oo aan weeydiino wixii talooyin ah sidii horey loogusii wadi karo xoreeynta argagaxisada ee dalkeenaā€¯.


Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ka tagay dalalka kale muddo xileedkiisan.


Dhaliishii Xasan Sheekh ee Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kamid haaa musharaxiinta sida weyn u dhaliili jiray ciidamadii Soomaaliya ee tababarka u joogay Eritrea kuwaas oo joogitaankooda siyaabo badan loo qaadaa dhigay.


Xukuumaddii ka horreysay tan hadda ee Madaxweyne Xasan, ayaa in kabadan ciidamo gaaraya 5000 waxa ay tababar ugu dirtay Eritrea xilligaas oo uu socday dagaal u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo gobolka Tigray, iyadoo la shaaciyay warar sheegaya in ciidamadaas ay qayb ka yihiin dagaalka dowladda deriska ah.


Wararkaasi ayaa beenoobay iyada oo dowladda hadda jirta ee dalka ay ku guuleystay soo celinta ciidamadii tababarka u joogay Eritrea.


"Ciidamada loo qaaday dalka Eritrea waala iibsaday oo wiilal ayaa naga maqan, wax war ahna kama heyno, dowladdii qaaddayna kama hadlin, waana mas'uuliyad darro waxna waala qarinayaa, xitaa haddii ay dal kale difaacayaan hanaloo sheego" ayuu horay u yiri madaxweyne Xasan Sheikh intii uusan xukunka kusoo noqon.

BBC
Loading...
Loading...