Muuse Biixi Oo Dib Ugu Celiyay Golaha Wakiilada Miisaaniyadii Ay Ansixiyeen.

0
Monday March 18, 2024 - 15:17:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Dib Ugu Celiyay Golaha Wakiilada Miisaaniyadii Ay Ansixiyeen.

    "Miisaaniyadan uu soo celiyay Muuse Biixi ayaa waxa ku jirta lacagtii Doorashada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Miisaaniyadan uu soo celiyay Muuse Biixi ayaa waxa ku jirta lacagtii Doorashada"


Hargaysa (HWN) Muuse  Biixi Cabdi ayaa dib u celiyay golaha wakiilada miisaaniyaddii dhawaan ay ansixiyeen,  isagoo dhaqan-geliyay in lagu dhaqmo tii hore ee sannadkii 2023.



Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii sida la sheegay uu ku qanci waayay wax-ka-bedelkii ay ku sameeyeen golaha wakiilladu Miisaaniyada.


Miisaaniyadan uu soo celiyay Muuse Biixi ayaa waxa ku jirta lacag loogu tala galay in lagu qabto doorashada isasaarka ah ee sanadkan aynu ku jirno dhamaadkiisa la rajaynayo inay ka dhacdo Somaliland.


Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland oo shalay waxa laga waydiiyay inay saamayn doorashada ku yeelan karto Miisaaniyada aanu Muuse Biixi saxeexin ayaa sheegay in sababta loogu geeyay Muuse miisaaniyadu tahay inuu saxeexo.
Loading...
Loading...