War Degdeg Ah: Askari Wiil Yar Toogasho Ku Dilay Berbera.
"Wiilka la toogtay ayaa cunto uqaaday mid kamid ah maxaabiista "
Berbera (HWN) waxa hada magaalada Berbera ku geeriyooday inan la odhan jiray alle ha unaxariistee Khaalid Maxamed kaasi oo uu toogtay askari ka tirsan ciidanka ilaaliya xabsiga magaalada Berbera.
Wiilka la toogtay ayaa cunto uqaaday mid kamid ah maxaabiista ku xidhan jeelka Berbera.
Meydka Marxuumka Ayaa Alle Ha Naxariiste La Dhigay Qolka Meydka Dhakhtarka Berbera, waxayna Xabad Kaga Dhacday Madaxa Sida Waalidkii Ay Xaqiijiyeen.
Askariga Wax dilay Ayaan wali la qaban markii uu ka Baxsaday Halka Falka Ku Galay
Loading...
Loading...